Marwadda Koowaad ee Somaliland oo dhagax-dhigtay waddo 3km iyo Badh ah oo laga hirgelinayo Hargeysa
 


Hargeysa (TNN)- Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde oo ay weheliyaan Wasiirka wasaarada duulista Md. Maxamuud Xaashi, Wasiir ku xigeenka wasara da arrimaha Gudaha u qaabilsan amniga,ayaa maanta dhagax dhigtay Waddo cusub oo sad dex kilo mitir iyo badh ah oo isku xidhaysa Xaafaddaha Sheekh Nuur iyo Idaacada magaalada Hargeysa.

Dhagax-dhiga Wadadan oo ay ugu horayn ka hadashay marwada Madaxweynaha Marwo Aa mina X.Maxamed Jirde,waxa ay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay dhagax-dhiga wada dan, waxaanay shacabka Somaliland gudo iyo dibadba ugu baaqday inay ka qayb qaataan dh ismahan iyo kuwa kale ee la midka ah.

Marwo Aamina X. Maxamed waxay halkaasi kaga dhawaaqday inay jidkan ugu deeqday shak hsi ahaanteeda qadar lacag ah oo dhan Kun dollar oo ay ku darsanayso dhismaha jidka.

Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha Gudaha ee arrimaha amniga Cabdilaahi Abokor Cisma an oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka waramay dedaalka loo soo maray sidii loo samayn lahaa jidkan, isaga oo tilmaamay in ay muddo badan ku howlanaayeen sidii dhismaha jidka loo meel marin lahaa.

Suldaan shariif oo ka mid ah salaadiinta S/land oo halkaa isna ka hadlay ayaa waxa tilmaam ay inay waajib saran tahay qof kasta oo muwaadin ah inay ka qayb qaataan dhismaha jidad ka, waxaanuu halkaa kaga dhawaaqay inuu Qaadhaanka dhismaha jidkan ugu deeqay Kun dollar-ka Maraykanka ah.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Maayar ku Xigeenka Caasimada Maxamed Cabdilaahi Uurcadd e, Ku xigeenka Badhasaabka Gobolka Marodi-jeex Rashiid Maxamed iyo salaadiin. waxaanay dadweynaha xaafadu shahaado sharafyo ku gudoonsiiyeen la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada Barkhad Jaamac Xirsi iyo nin Dirwal ah oo ka mid ah darawalinta Basaska xaafadaa u baxa oo labadooduba kow ka ahaa bilowgii jidkaasi.

Sidoo kale Gudoomiyaha Iskaashatada Basaska yar yar ee Dalmar oo lagu magacaabo C.rax maan dheere ayaa halkaasi kaga dhawaaqay qaadhaan ay Iskaashato ahaan kaga qayb qaa danayaan dhismaha wadadan oo dhan Todoba kun oo dollar.
 

Source:Somaliland.org