Marwadda Koowaad Ee Somaliland Marwo Aamina Waris Ayaa Maanta Booqasho Ku Tagtay Xarunta Agoomaha Ee Laga Dhisaayo Magalada Burco Gobalka Togdheer.

 


Marwada oo ay wehiliyaan wasiirada Waxbarashada iyo Tacliinta Samsam, iyo Horumarinta miyiga Shugri............


Burco (TNN):-Marwadda Koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sh.Maxamed Jir de “Aamina Weris” oo ku sugan Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco ayaa maanta kormeer ku soo samaysay goobta laga dhisayo Xarunta Daryeelka Caruurta Agoomaha ee Magaaladda Bu rco. Marwadda koowaad ee Somaliland Aamina Sh.Maxamed Jirde “Aamina Weris” ayaa oo halk aas ka hadashay ka warantay Ujeedooyinka laga leeyahay Xarumaha noocan oo kale ah waxaa nay sheegtay in Xaruntaas laga hirgalinayso magaalada Burco ay ku faraxsan tahay halka ay maanta marayso.
Wasiirka Wasaarada Horumarinta Miyiga iyo Deegaanka ee Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ism aaciil Baandare ayaa baaq u jeedisay Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa samo falka Waddaniga ah ee u dhaq dhaqaaqa daryeelka Caruurta Agoomaha ahi oo ay ku dhiirigelisay inay qaybtoo da ka qaataan hirgalinta Xaruntan.


Sidoo kale Wasiirka Waxbarashda iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa uga Mahadcelisay Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Aamina Sh.Maxamu d Jirde “Aamina Weris” dadaalka ay ugu Jirto inay ka dhabayso hirgalinta xaruntan oo qayb we yn ka qaadan doonta sidii ubadka agoomaha ahi ay u heli lahaayeen goob lagu xanaaneeyo la guna daryeelo.

Marwadda koowaad ee Somaliland Aamina Sh.Maxamed Jirde “Aamina Weris” ayaa oo halkaas ka hadashay ka warantay Ujeedooyinka laga leeyahay Xarumaha noocan oo kale ah waxaanay sheegtay in Xaruntaas laga hirgalinayso magaalada Burco ay ku faraxsan tahay halka ay maa nta marayso.

“Waxaan ku faraxsan nahay in Goobtan oo aan sannad iyo badh ka hor dhagax dhigay inay ma anta heer lagu faano marayso,wax alaaliyo wixii aanu ku tari karno waxba kala hadhi mayno,ha ahaato eray aanu u nidhaahno, Guubaabo aanu u samayno ama Maa-lgelinta oo aanu ka qayb qaadano diyaar ayaanu u nahay wax kasta oo ay ku kacayso dhamaystirka xarunta agoomaha ee magaalada Burc,”ayay tidhi Marwo Aamina Weris.

Marwadu waxay u Mahad- celisay hablo isu xil saaray hirgalinta Xaruntan iyo dawladda hoose ee Burco oo door muuqda ku leh dhamaystirka Xaruntan iyadoo xustay in dhismahani uu noqon doono hoy lagu dhiso Mustaqbalka ubadka agoomaha ah.
Geesta kale waxay Marwadda Koowaad kulan kula qaadatay magaalada Burco haweenka kala duwan ee ku nool magaalada burco kaas oo lagaga arrinsanayay horumarinta haweenka Magaaladaasi.

 



Timacade News Desk
Burco,Somaliland