Marwada Madaxweynaha Somaliland Oo Abaal Marin Caalami Ah Ku Maamuustey Maayerka Degmeda Gabiley, Kana Ma rk haati Kacdey Horumarka La Taaban Karo Ee Uu Ka Fuliyey Gudaha Magaalada Gabiley

 



Munaasibad Balaadhan Oo Loo Qabtey Dadka Haldoorka Ah Ee Wax U Qabtey Dalkooda Iyo Dadkoo da Oo Xalay Ka Qabsoontay Hottel Ambasador Ee.....


Hargeysa (TNN):- Marwada Koowaad Ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde Ayaa Habeenkii Xalay Ahaa Abaal Marin Caalami Ah Ku Maamuustey Maayerka Degmeda Gabiley Md Shucayb Maxamed Muuse, Kana Markhaati Kacdey Horumarka Dhinac Walba Leh Ee Uu Ka Fuliyey Gudaha Magaalaa Gabiley.

Munaasibad Balaadhan Oo Loo Qabtey Dadka Haldoorka Ah Ee Wax U Qabtey Dalkooda Iyo Dadkoo da Oo Xalay Ka Qabsoontay Hottel Ambasador Ee Magaaladsa Hargeysa Ayaa Waxa Kasoo Qayb Ga lay, Marwada koowaad Ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wa siirka Wasaarada maaliya Somaliland C/casiis Maxamed Samaale, Wasiirada Waxbarashada Somalila nd Marwo Zem-zem Cabdi Aaden, Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sh.Khaliil C/laahi, Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland faarax Cilmi Geedoole, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Kaluumaysiga Somalilan d, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland, Iyo Masuuliyiiin Kale Oo Aad U Tiro badan.

Maayerada degmooyinka berbera iyo gabiley ayaa iyagu noqday laba maayir ee kaliya ee lagasoo xulay maayirada dalka iyadoo loo aqoonsadey inay yihiin labada maayir ee dalkooda iyo dadkii soo doortayba si hagar la’aan ah wax ugu qabtey.
Marwada Koowaad Ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina Sh.Maxamed Jirde (Aamina Waris) Oo Mad ashaasi Abaal Marinaha Ku Gudoonsiinaysay Dadkii Haldoorka Ahaa Ee Madashaasi Lagusoo Casuum ay Ayaa Si Rasmi Ah U Gudoonsiisay Maayerka Degmeda Gabiley Abaal Marin Caalami Ah Oo Loogu Tallo Galay In Lagu Dhiiri Galiyo Dadkaasi, Waxaanay Marwadu Amaan faro Badan Usoo Jeedisay Maa yerka Degmeda Gabiley Oo Ah Nin Dhalinyaro Ah Iyadoo Tilmaantey In Ay ka War Hayso Horumarka Dhinacwalba Leh Ee Uu Ka Hir Galiyey Magaalada Gabiley Maayer Shucayb.

Si Kastaba Ha Ahaatee Abaal marintan Ayaa Noqonaysa Tii Ugu Horaysay Ee Nooceeda Ah Ee La Gudoonsiiyo Maayirka Degmeda Gabiley, Inkastoo Dhiiri Galinta Kale Ee Dadku Ku Dhiiri Galinayaan Maayerku Ay Maalmahan Aad Usoo Badanayso.




Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland