Marwada Koowaad oo soo gabo-gabaysay kulan lagaga hadlayay daryeelka carruurta darbijiifka ah

 

 


Hargeysa (TNN)- Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo Wasiir ka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Prof. Ismaaciil Muumin Aare ayaa maanta soo xidhay kulan he er qaran ah oo lagaga hadlayey xuquuqda caruurta kaas oo muddo laba maalmood ah ka socda y Hotel-ka Maansoor ee magaalada Hargaysa.


Qaban qaabada Kulankan waxa iska kaashaday hay’adaha Havoyoco, save the Children iyo wa saaradda Caddaaladda, waxaana ka qayb qaadanayay xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ee Hargaysa, qaar ka mid ah hay’adaha iyo ururada kale ee daneeya arrimaha daryeelka caru urta .


Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Prof. Ismaaciil Muumin Aare oo shirkaasi ka hadlay ayaa cadeeyay in wasaarad ahaan ay diyaarinayaan qorshe lagu dhimayo shilalka gaadiidka oo gala afta nolosha caruur badan.
Wasiirku waxa uu sheegay inay lagama maarmaan tahay daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda carr uurta, waxaanu balan qaaday inay wasaarad ahaan isu taagayaan wax ka qabashada xuquuqd a caruurta.


Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, ayaa sheegtay sida ay xuk uumada uga go’an tahay daryeelka caruurta gaar ahaan kuwa Derbi jiifka ah.
Marwaddu waxay sheegtay inay shirkan ka filayso inay ka soo baxaan go’aamo dhaxal gal ah o o saacida xuquuqda iyo daryeelka carruurta.


“Xuquuqda carruurtu waxa ay ka bilaabantaa marka ay hooyadu uurka k sido, haddii aynaan ho oyooyinka uurka leh wax u sheegin, daryeelin, nafaqayn, caafimaadkooda la eegin, ilmaha caloo sha ay ku sido iyo iyadaba xuquuqdoodii weynu duudsinay, hadaynaan si nabad gelyo ah u ilaa lin ilmaha marka uu dhasho, xuquuqdoodii maynu sugin, haddii aynaan daryeelin ilmuhu marka uu dhasho iyo shan jir marka uu ilmuhu ka yar yahay xuquuq gooni ah ayuu ilmuhu leeyahay, oo taasina waxa weeyi in nafaqadiisa, caafimaadkiisa la hubiyo, shan sano marka uu gaadho xuqu uqdiisu. Waxa weeye in uu taciin helo, sida dugsi iyo caafimaad in uu helo iyo ilmuhu maskaxiyan iyo jid ahaanba in uu helo daryeel,”ayay tidhi Marwaddu.

Marwo Aamina Waris, waxay kulankaasi kaga dhawaaqday lacag kun dollar ah oo ay ugu deeqd ay wax u qabashada caruurta derbi jiifka ah.


Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Sarkaal ka socday Hay’adda Save The Children Mr Erik oo isna hadal shirkaasi ka jeediyey ayaa ka waramay in hay’adda Save the Children ay u abuuran tahay gacan ka gaysashada arrimaha caruurta iyo daryeelkooda kala duwan, waxaanu xusay inay ka shaqayn doonaan wax u qabashada carruurta.

Source: Somaliland.Org