Marwada Koowaad Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay 24 Kalkaaliye Caafimaad Ah

 



‘Waxaan idin kula dardaarmayaa in wixii aad barateen aad uga faa’iidaysaan dadkiina, wax barashaduna ma dhamaato ee dadaalkiina sii-wada’Marwada-koowaad


Hargeysa (TNN):- Marwada koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Weris) ayaa maanta shahaadooyin guddoonsiisay afar iyo labaatan kal kaali ye oo ka qalin jabiyay maxadka caafimaadka ee magaalada Hargeysa.

Munaasibaddii shahaadooyinka lagu guddoonsiinayay 24 kalkaaliye oo lagu qabtay xarunta maxadka tababarka kalkaaliyaasha caafimaadka ee magaalada Hargeysa waxaa ka soo qa ybgalay Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina X. Maxamuud Jirde, Agaasima ha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame, Dhakhaatiir iyo mada xda waaxyaha, wasaarada caafimaadka qaarkood agaasimaha maxadka kalkaaliyeyaasha caafimaadka Marwo Foosiya Maxamed Ismaaciil iyo marti sharaf kale duwan.

Agaasimaha maxadka tababarka kalkaaliyaha Caafimaadka Marwo Foosiya Maxamed Isma aciil ayaa ugu horayn halkaasi hadal ka jeedisay waxaanay tidhi “ardaydan 24 ka ah ee ma anta qalin jabinaysaa waxay mudo sanad ah baranayeen siyaabaha loo diyaariyo marka uu qofku qaliin galaayo iyo siyaabaha loo ilaaliyo marka uu qaliinka ka soo baxo oo dalkeena looga baahan yahay.”

Sidoo kale, waxa isaguna ka hadlay munaasibadaasi shahaadooyinka lagu guddoonsiinayay 24-ka kalkaaliye caafimaad lagu siinaayay shahaadada kalkaaliyenimo agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka waxaanu yidhi “waxaan halkan ugu mahad celinayaa cid kasta oo gacan idinku siisay hawshan iyo waxbarashada waxaanan idiin sheegayaa in wasaarada caafimaadku ay idin qaadatay oo aad shaqaale tihiin maanta laga bilaabo la idiina qaybin doono cisbitaalada dalka.”

Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde oo shahaado oyinka guddoonsiisay dhakhaatiirtaa kalkaaliyeyaasha ah ayaa hadalo dardaaran ah ujee disay waxaanay tidhi “marka hore waxaan halkan hanbalyo iyo bogaadin uga dirayaa waa lidiintii iyo macalimiintii dadaalka iyo gacanta ka gaystay in aad waxbarataan idinkana wax aan idin kula dardaarmayaa in wixii aad barateen aad uga faa’iidaysaan oo u shaqaysaan una gargaartaan dalkiina iyo dadkiina u baahan, waxaad tihiin madaxdii barito iyo dhakhaa tiirtii barito, waxbarashaduna ma dhamaato ee dadaalkiina sii wada.”


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland