Marwada Koowaad Oo Ka Qayb Gashay Xuska Maalinta Caruurta Afrika Oo Lagu Qabtay Hargeysa

 



Hargaysa (TNN):- Marwada koowaad ee madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde ayaa maanta ka qayb gashay xuska maalinta carruurta Africa oo 16-ka bisha Juun laga xuso wadamo badan oo afrikaan ah.

Munaasibad balaadhan oo lagu xusayay maalinta caruurta Afrika oo shalay lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargaysa oo ay soo qaban qaabisay wsaaradda shaq ada iyo arrimaha bulshada, ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad), la taliyaha madaxwaynaha ee arrimaha haweenka Amaal Xaaji Miisaan, masuuliyiin ka socday hay’ada UNICEF, iyo hay’a daha iyo ururada ka sahqeeya arrimaha xuquuqda caruurta iyo marti sharaf kale oo bad an.

Mar wada koowaad ee madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, oo hadal ka jeedisay kulankaasi ayaa u mahad naqday wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo xafladaasi soo qaban qaabisay, waxaanay faah-faahin ka bixisay kaalinta ay caruurtu kaga jirto bulshada iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la ilaaliyo xuquuq dooda iyo mustaqbalkooda.

Waxaanay tidhi “waxaan halka ugu mahad celinayaa wasaaraddaha shaqada iyo waxbar ashada oo soo diyaariyay xafladan quruxda badan iyo dhamaan hay’adaha kala soo qayb galay.Somaliland waxay ku taagan tahay waa awood dhallinyarada haddii ay tahay difaa c qaranimada iyo haddii ay tahay dib ula soo noqoshada qaranimada aynu maanta haysa no iyo haddii ay tahay horumarka aynu maanta ka wadno dalkeenaba, waxa hormoodka ah waa dhallinyarada dalkeena hadii aynu dhamaanteen sidaa uu aragno muhiimada ay dhalinyaradu dalkan u leedahay waxaa la inaga rabaa haddii ay dawlada tahay iyo haddii ay shacbiga tahayba in aynu inagu isu tashano oo inta aynaan cidba joogta waxba wayd iinin aynu inagu wixiiay aynu heli karno ku taageerno carruurteena mustabqal ugu sama yn lahayn”.

Waxa kale oo marwadu tidhi iyada oo hadalkeeda sii wadata “carruurta yar yar ee maa nta horteena fadhida waa mustaqbalkii bari ee dalkani lahaa.Waajib baanu inagu saaaran haddii aynu waalidka nahay iyo haddii aynu nahay xukuumad iyo shaciba.Waxaan mahad naq uga soo jeedinayaa wasaarada waxbarashada iyo xarunta agoomaha Caasha Maxamuud Qaalib iyo Shaqaalah xaruntaasi agoomaha sida fiican ee ay carruurtaasi u daryeelaan” ayay tidhi Marwo Aamina Weris.
waxa kale oo xafladaasi ka hadashay la taliyaha arrimaha haweenka ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Amaal Xaaji Miisaan, oo sheegtay in ay hambalyo u diryaan dhamaanba caruurta aduunka gaar ahaana kuwa afrika iyo Somaliland.

 



Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland