Marwada Koowaad ee Somaliland Oo Ka qeyb gashay ma dal dhar loogu deeqay Xarunta Agoomaha Hargeysa

 

 



Hargeysa (TNN)-Marwada koowaad Somaliland Aamina Sh.Maxamed Jirde (Aamina Waris) ayaa maanta deeq dhar iyo kabo isugu jirta ka gudoontay Machadka faafinta diinta islaam ka kaas oo ay ugu tabo ruceen Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargaysa.

Xafladan oo lagu qabtay xarunta agoomaha ee magaalada hargaysa waxaa ka soo qayb g alay Maareeyaha Xafiiska Samo falka Madaxtooyda, Madax ka tirsan Ururka Haweenka qa ranka ee Now,Mas’uuliyiin ka socday machadka faafinta diinta islaamka iyo Madaxda xaru nta agoomaha ee caasimada Hargeysa.

Gudoomiyaha Machadka faafinta diinta islaamka Sh.Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Sh. Cawil Fa atax oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay xiligii la aasaasay machadkan iyo hawlaha ay bulshada u qabtaan waxaanay sheegeen inay deeqdan ay u fidinayaan caruurta agoomaha ay ka kooban tahay dhar iyo kabo kuwaas oo dhan Laba boqol oo beer oo kabo ah iyo laba boqol oo Surwaal, iyagoo ku dheeraaday xilka bulshada iyo xukuumadaba ka saaran darye elka ubadka agoomaha ah taas oo ah waajib sharci ah.

Canab Xasan Nuur oo ah ku simaha agaasimaha xarunta agoomaha iyo Maareeyaha Xafiis ka Samo falka Madaxtooyada Aamina Maxamud Diiriye oo halkaasi ka soo jeediyay hadalo mahadnaq iyo soo dhawayn ah ayaa ka waramay xaalada xarunta agoomuhu ku jirto iyag oo sheegay inay gacanta ku hayaan afar boqol oo caruur ah kuwaas oo u baahan in laga taageero noloshii aasaasiga ahayd.

Madaxdani waxay xuseen in deeqdani ka danbaysay markii ay dhawaan baahida xarunta ta ala u gudbiyeen Culimada Machadkan isla markaana ay si dhakhso ah uga soo jawaabeen.

Marwada koowaad Somaliland Aamina Sh.Maxamed Jirde (Aamina Waris) oo hadal kooban halkaasi ka soo jeedisay ayaa mahad naq balaadhan u dirtay Machadka faafinta diinta islaa mka iyadoo sheegtay in kaalmadani aanay ahayn tii u horaysay ee uu machadkani soo gaa dhsiiyo .

Marwo Aamina Waris waxa ay tilmaantay in nidaamkii iyo maamulkii xaruntan ay wax bada n ka badaleen isla markaana ay dhismayaal kale ku soo kordhiyeen waxaanay intaas ku dartay inay u qorshaysan tahay hirgelinta dhismayaal kale oo lagu xanaaneeyo caruurta Xaruntan ku jirta oo mar walba u baahan daryeel joogto ah maadaama ay yihiin Mustaqbalkii Wadanka.

Gabo gabadiina Caruurta ku jirta Xaruntan ayaa halkaasi ku soo bandhigay Masrixiyad ka turjumaysa wax tarka ay bulshadu u gaysato iyo Suugaan ay ka waramaysa qiimaha nabadgalyada iyo Calanka aynu hoos hadhsanayno ee Somaliland.

source:so