Marwada Koowaad Ee Somalilad Oo Sheegtay Inay Taageerayaan Ardayda Indhooleyaasha
 


Hargeysa (TNN)- Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed  Jir de, ayaa ka maanta ka qeyb gashay munaasibad lagu xusayay maalinta indhooleyaasha adduunka oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Xafladaasi waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiirka Waxbarashada, sarkaal ka socday Akaadamiga nabada iyo horumarinta Somaliland iyo masuuliyiin ka socday Hayadaha caalamiga ah ee dalka ku sugan.

Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina X. Maxamed Jirde, oo ka hadashay xafladaasi ayaa sheegtay inay u bogtay sida ay wax u barteen ardayda dugsiga indhooleyaasha Hargeysa oo  mada shaasi ku soo bandhigay habka ay wax u bartaan iyo dareenkooda. Waxaanay xustay in  xukuumad du taageeri doonto ardayda indhooleyaasha ah si ay u sii hiigsadaan waxbarasho sare.

Marwaddu waxay u mahad celisay Ha’yada Dose Of Hope, oo ay carabka ku dhufatay inay gacan  sii so ardayda dugsiga indhooleyaasha ah.

Marwo Aamina Waris waxay sheegtay in siyaasada xukuumadan cusubi aanay takoorayn dadka  na afada ah oo ay muwaadiniintu leeyihiin xuquuq siman, waxaanay u soo jeedisay ardayda  indhooley aasha ah inay dedaalkooda halkaasi ka sii wadaan.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo ka hadashay xafladaasi ayaa sheegtay in ardayda indhooleyaasha ahi ay soo bandhigeen sida ay wax u baran karaan waxaanay balan qaaday in wasaaradeedu ay gacan siin doonto dugsiga Indhooleyaasha Hargeysa.

Waxa kale, oo xafladaasi dardaaran iyo bogaadin u jeediyay ardayda indhooleyaasha ah La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Dhalinyarada Md. C/Najax Siyaad Aw Cabdi iyo Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ah saraakiisha Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland.

Waxa xafladaasi ay ardayda indhooleyaasha ahi ku soo bandhigeen waxbarashadooda iyo sida ay wax u baran karaan.



Source:Somaliland.org