Marwada Koowaad ee Madaxweynaha oo Berbera kaga qayb gashay Xaflad lagu dhiiri-gelinayo Ardayda

 


Berbera(TNN)- Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Somaliland oo ay heliso Wasiirka Waxbarasha da iyo Tacliinta sare, ayaa maanta ka qaybgalay Xaflad lagu dhiirrigalinayo Ardayda wax kabarata Jaamacadda Golis ee magaalada Berbera.

Munaasibaddaas oo maanta lagu qabtay xarunta Jaamacadda Golis ee magaalada Berbera, waxa k ale oo ka qayb galay maamulka iyo madaxda Gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, madaxda Dekedda iyo Kastamka magaalada Berbera, Guddoomiyaha guud ee Jaamacadaha Golis iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Guddoomiyaha Jaamacad Golis ee magaalada Berbera Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ugu hora yn munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ay Jaamacadan Golis uga fureen magaalada Berbera iyo waliba marxaladaha ay soo martay iyo halka ay manta taagantahay Jaamacada Golis Berbera iyo culuumta lagu barto ee kala duwan.

Gudoomiyaha Jaamacada Berbera Xildhibaan Nasir Xaji Cali Shire waxa kale oo uu sheegay in ay Jaa macada Golis ee Berbera ay deeq waxbarasho u fidisay Ciidanka booliska Berbera(30)askari oo la ba rayo shuruucda booliska ee bulshada lagu Kala hago oo bilaash ah, balse waxa uu sheegay in Jaam acada Golis ee Berbera ay ardaydu wax ku barto aqalo kiro ah oo aanay laheyn xarun ugaara, waxa anu xukuumadda ka codsaday dhul ay Jaamacada xarun uga dhisaan.

“Jaamacadan Golis waxay u tafa-xaydatay sidii ardayda reer Saaxil ee Hargeysa iyo Borama aqoon ta u doonan jiray ay uga baajiso oo gabadha dugsiga sare dhameysaa iyada oo waalidkeed Caawina ysa oo u shaqeynaysa ay waxbarshadeeda Jaamacadeedna sii wadato. waxa kaloo ay jaamacada Golis booliska gobolka ugu Deeqday 30 askari oo la barayo shuruucda lagu kala hago bulshad maaha booliska Berbera oo qudha ee gobolada dalka inta ay ka Shaqeyso jaamacada golis. waxaan maanta doonayaa in aan marwada horteeda kaga dhawaaqo in Jaamacada Golis ee Berbera u baahantay dhul ay xarun ka dhisato markaa waxa aanu maanta marwada uga marti nahay dhulkaa in nala siiyo waxa kaloon marwada u sheegayaa in Berbera laydhka looga qaxay oo laydhku baabiyay cid ka had ashaana aanay jirin,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Duqa Degmada Berbera Cabdalla Maxamed Carab oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu bil walba Jaamacada Fiigeeda ka bixiyo soddon arday kuwaas oo kamida shaqalaha dawlada hoose iyo ardayda dugsiyada sare ee Berbera soo Dhameysatay waxa kaloo uu sheegay in laydhka laga cabanyo uu xogogaal uyahay maamulkiisana ay hoostimaado waxa kaloo uu intaa kudaray in ay cab asho la xidhiidha shiidaalka ay isticmaasho warshada laydhka ee Berbera ay isaga iyo Badhasaabku ula Tageen Madaxweynaha kadib markii sida uu sheegay uu shiidaalkii qaaliyobay markay dagaaladu ka bilaameen wadanka Yaman oo uu sheegay in shiidaalka ay isticmaasho warshada laydhka Berbe ra looga soo iibin jiray dalkaa Yaman Madaxweynuhuna uu ka Aqbalay cabashadaa waxaanu magaal ada Berbera ugu deeqay Madaxweynuhu sadexda bilood ee socda in bishiiba la siiyo(200)00 Foosto oo naafto ah isaga oo Madaxweynuhu ka duulaya kuleylaha ay ku sugan yihiin bulshada reer Berbe ra .

Badhasaabka Gobolka Saaxil ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu sheegay in xukumada hadda talada dalka haysaa ay qabatay wax badan oo ay Qaban weyday xukumadii hore ee xisbiga UDUB isaga oo Gudoomiyaha Jaamacadana ku tilmaamay nin iska hadlay oo aan warba Qabin oo dhal iil aan indho laheyn u jeediyay warshada laydhka ee Berbera

Gudoomiyaha guud ee Jaamacadaha Golis ee Somaliland Siciid Axmed Xassan ayaa isna halkaa kaga dhawaaqay in uu fiiga ka bixin doono hal arday oo kamida ardayda dugsiyada sare ee Berbera sana dkan ka soo bixi doona.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa iyana ku bogaadisay cidkas ta oo soo qabqaabisay xafladan Qiimaha laheyd ee lagu dhiiri galinayo ardayda dugsiyada sare ka soo baxaysa iyada oo sheegtay in ay gobolkan Saaxil waxbarashadiisa wax badan ka qabatay intay xilka wasaarada waxbarashada haysay iyada oo ardayda dhawaan qalin jabinaysana ugu ducaysay in ay sanadkan ardayda reer Berbera galaan kaalmaha hore ee gobolada dalka oo dhan.

Gabagabadiina waxa xaflada soo xidhay Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris She ekh Maxamed Jirde iyada oo umahad celisay dadweynaha soo dhaweeyay iyo masuuliyiinta gobolka Saaxil ee kala duwan iyo ardayda oo ay ku tilmaantay Madaxdii mustaqbalka kuna dhiirisay in aanay aqoonta iyo waxbarashada ka caajisin waxaana hadaladeedii ka mid ahaa oo ay tidhi; “Waxa noo sh araf ah aniga iyo Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo aqoonta sare iyo waliba waftiga haweenka ah ee ila socda in aanu idin kala qeyb galno xafladan qiimaha badan oo waliba aniga qiime gaara ii leh sababtoo ah Berberi aniga waa magaaladaydii aan ku dhashay ,qiime gaara ayay ii leedahay waxan bulshada reer Berbera u sheegayaa in Berbera lawada leeyahay waana hooyadii dalka oo dhan dak hliga ka soo baxana waxa lagu maamulaa dalka intiisa kale markaa waxan idiin sheegayaa in Berbera dhawaan laga sameyn doono warshado shaqooyin badana ay bulshada reer Berbera ka heli doona an .”

Marwo Aamina iyada oo hadalkeedii sii wadatay waxa ay intaa ku dartay; “Walaallayaal Berberi waa magaalo ilbaxa oo dadkeeduna waa dad fiican oo aan jecelahay khaasatan haweenka reer Berbera ee ka qeyb qaatay halgankii kala Duwanaa ee dalkan loo soo maray ee reer Berbera ayaan halkan aad ugu xusayaa maanta iyo waliba haweenka(Memeberska Ururka Naw)oo halkan maanta iiga muu qda waxaanan leeyahay wada shaqeyn wacan ayaynu wada leenahay ana Berbera sigaara ayaan u Jecelahay isbedeladii la rabayna Berbera in badan ayaa ka muuqata inta hadhayna way soo socotaa oo marba wixii macquula ayaa la qabanayaa waxan halkan kaga dhawaaqayaa(12)arday oo aan fii ga Jaamacad kabixin doono oo ah kuwa kasoo baxa dugsiyada Sare waliba kuwa ugu darajada sare eya hadii ILLAAHAY yidhaahdo.”



Source: Berberanews