Marwada Koowaad ee JSL oo deeq gudoonsiisay xarumaha agoomaha ee Hargaysa

 


Marwada Koowaad ee JSL Marwo Hudda Barkhad Aaden ayaa Maanta Ugu deeqday Deeq isugu jirta Karaatoon Buskud ah iyo Direys Ardayda kala duwan ee ku Jirta Xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa.
Xaflad loogu sameeyay Munaasibadan ayaa waxa kasoo qaybgalay Ururka Haweenka ee NOW , Madax ka Socotay Hay,adda ANPAK iyo Masuuliyiin kale .

Hadal uu ka Jeediyay Agaasimaha Xarunta Agoomaha ee Magaaladda Hargeysa Maxamed Ismaaciil ayaa umahadceliyay Marwada Koowaad ee JSL isagoo sheegay sida ay had iyo jeer iskaga Xil saarto Gacan siinta Caruurta ku Nool Xarunta Agoomaha .

Waxaanu Agaasimuhu ugu baaqay Ganacsatada iyo Guud ahaanba Bulshada inay Gacan ka gaystaan Daryeelka Caruurta Xarunta Agoomaha ku Jirta .

Waxa Kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah Madaxda Hay,adda ANPAK kuwaas oo Ballan qaaday in Caruurta Agoomaha ee Xaruntan wixii hadda ka danbeeya ay Daryeelkooda Gacan ka gaysan doonaan .
Ugu Danbayntiina waxa halkaasi hadal ka jeedisay hadal kooban Marwo Hudda Barkhad Aaden oo sheegtay Naxariista iyo Daryeelka ay ubaahanyihiin Caruurta Agoomaha ihi iyo sida loogu baahanyahay in Xil layskaga saaro waxaanay ay ugu Baaqday ganacsatada Somaliland inay gacan ka gaystaan dhaqaalaynta Caruurtan

 


Wariye Mohamed Mussa inji

Hargeysa
Somaliland