MARLABAAD HAYAANTAYE HALKEE GEEDIGA LOO LALABAY?
FARIIN KU SOCOTA XISBIGA KULMIYE IYO XUKUUMADDA.

 


 



Xaalku ma taagna maanta ha laga qeyb galo iyo yaan laga qeybgelin; waxase muuqata in xuku umaddu hore u go'aansatay in si karaamo darro ah ay shirka uga geybgasho. Beri ka maalin wa xa dadweynoow ad maqli marka safarkan laga soo guryo noqdo xukuumadda maanta jirta oo id in leh bulshadii caalamku waxay inagula talisay in dib loola midoobo koonfurta Soomaaliya.

Taana u diyaargarooba. Tegitaanka shirku wuxu meesha ka saarayaa qodobo qadiyadda Somal iland dhinac sharciyadda uga marag furayey, haddase xukuumaddan kadleyneysa meesha toos uga saartay.

Allah hau naxariiste nin la odhan jirey Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Jaamac oo ku magac dheer aa "Lugooyo" ayaa beri gabyoo yidh:

Waxyi iguma soo degi hadana wax ima segaane
Waxan ahay ni waayaha adduun wax uga muuqdaane
Nin wadiifad heystaa hadduu wadi aqoon waayo
Wakhtiguu u jecelyahay ayaa kursiga laga wajaafaae

Mar haddii cusuumaddii Shirka London noqotay Somaliland oo maamul goboleed ihi haka soo qe ybgasho oo madal ha soo wada fadhiistaan shan kooxood oo koonfur Soomaaliya metelaya; ma r haddan haba yarate aanu jirin wax qiraal ah oo tilmaamay sooyaalkii taariikheed ee labadii dal ee Soomaaliyeed ee xoroobay 1960; mar haddii toos looga badheedha sharciyaddii jiritaankeen a ummad ahaaneed; mar haddaan toos looga hadlayn halka mashkaladda Soomaaliya salka ku hayso;

Midda qudha ee Xisbul-xaakimka Kulmiye iyo xukuumadda talada haysa laga sugayaa waxa we eye in ay tubtii xukuumadihii ka horeeye mareen halabsatao kana badheedho go'aanka kama dameysta ah oo ah in aanay Somaliland sinaba uga qeybgeli karin shirka dib-u-heshiisiineed oo kooxa Soomaaliya ugu furmaya magaalada London Bish February 23da, 2012. Wixii aan intaas ahayni waa dalka iyo dadka oo loo horseedo burbur aan laga soo waaqsan. Looma baahna in wakhti lagu lumi talo qaran ha laga yeesho.

MAANDEEQ XAGGEE LOO CARAABINYAA?

Maandeeq oo curatay iyo aarankay wadatay ayeynu lixdankii u xawawariyey carro iyo cimilo a y ku dhaqmi weydey. Kow iyo sodon sannadood ka dib ayaa hashii oo saamo ka gur ah, aaran u kaca daayoo intay wadatayna le'atay ayaa ninkii lahaa marlabaad goobtii uga soo kaxeeyey oo halkay xer u dhalanka ku ahayd dib ugu soo celiyey; durba dhogoraysatay oo dafrxumadii ka s oo dogtay.

Iyadoo degalkeedii oo barwaaqo ah subaxdii ku foofta ayaa haatan ibleys loogu dowgalay dam acsanyahay in geyigay hore ugu dibjirtay dib ugu fool eryo? Intii samatabixinteed seymo loogu beegsaday maxaa maanta la dhaafsanayaa? Su'aalahan iyo qaar kale oo ummaddu is weydiina ysaaba waxay jawaabtoodu ku arooraysaa halxidhaalayaashii ayaa: DEWO BUKOOTAY MAXAA LAGU DABIIBAA? DAB DHAXMOODAY MAXAA LAGU DIIRIYAA? IYO DURDUR OOMAY DARKEE LAGA WARAABSHAA?

Halku 1961 Allah ha u naxriiste Cabdillahi Suldaan 'Timacade' lahaa:

Halkii aan horoo loo durkiyo derejo eegaaye
Hadduubaa siddii buul duqeed daaha loo rogaye
Imikaa la doondoonaya Dir iyo Daaroode

Isla maal maaha waxa isna Allah ha u naxariiste tixdan tiriye Maxamed Ismaaciil Diiriye "Qaasim"

Halkii aan horro loo durkiyo darar ka eegaayey
Iyaba waa darxumo ii maqane dacar miyaan leefay
Ma doraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay
Sidi oon dayeysnahay miyaan dowgii ka habaabay
Dusha midabka Soomaalibaad dugulka moodaaye
Misna laguma diirsane qalbiga waa dirkii Karale


Konton sannadood ka hor halka sidaa looga dardaarweriyey maxaa keenay maanta dib ha loo gu guuro?

Waxaan marnaba caqliga fayoobi aqbali karin kow iyo labaatan sannadood tacabkii ummadda S omaliland ayaa marlabaad hadiyad loo bixinayaa. Arrimihii lagula soo dhiciwaayey AHN Madaxw eyne Maxmed Xaaji Ibraahim Cigaal ee Madaxweyne Dahir Riyaale Kaahin hangoolka shanta fa rraar leh ku hayey, sababta maanta dowladda Ingriis ugu soo dhiiratay ba isweydiiya reer Som alilandow? Dowladdaynu dalka ku aaminay ma waxay inoogu maqnayd dabin iyo shirqool? Maxay ku doorsatay rabitaankii dadweynaha ee lagu meel mariyey Aftidii Distoorka Qaranka ee Bishii May 31dii 2001? Kalsoonida ay xukuumaddu kaga badheedhayso in laga tashado Shirka London loogu qabanayo kooxa Soomaaliya ku hirdamaya una hanqaltaagto ayay ka haysataa?

Talo qaran iyo kasaa kasaa yaan dadka lagu jahawareerin, ta aan marnaba la hurayna yaan indhaha laga lalin.

SHIRKA LONDON IYO AJANDIHIISA

Shirka London Ajandihiisa qodobada ugu muhuumsani waa:

Sidii sharciyad loogu samayn laahaa cidda xilka kala wareegidoonta ku-meelgaadhka uu gadh w adeenka ka yahay wadaad Shariif oo meher shardigii ka dhacayo Bisha August, 2012;
Yagleel heer goboleedyo ismaamula muddo yar ka dibna la isku karkaro loona magac bixiyo unu gyada Dowladda Fedaraalka Soomaaliya;
Qodobada kale ee madasha laga hadlidoonaa waa la dagaalanka Argagixisada, Budhcad Badeed a, Xoojinta Ciidamada AMISOM; iyo in dhaqaale xoogan madasha lagaga yabooho sidii dhidibada loogu taagi lahaa qaran Soomaaliyeed oo dib u soo celiya kala dambayntii iyo sharciyaddii.


Intaasi waa qodobada shirka lagu lafa guridoono ee Dowladda Ingriisku dabada ka riixayso iyada oo daaha dabdiisana Dowladda Talyaaniga ka calawalaynayso.

Waxa meesha ka muuqdaa waa meher shardi mudadiisii sii dhammaanayso oo maxlal loo raadinayo. Markaas si loo helo meher waar ma waxa lagama maarmaan noqotay in Somaliland markhaati ka noqoto? Weli Soomaali koonfureed may yaqiinsan in dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya uu haligmay, Somalilandna Qarannimadeedii dib ula noqotay; madal dib wax la isugu qobtolo iyo jamhuuriyad Soomaaliyeedna aanay maanta xiise u qabin.

HINDISAHA KU-MEELGAADHKA WADAAD SHARIIF

Waxa qorshahaasi hoosta kaga lifaaqan qodobo seddex ah oo ku meel-gaadhka wadaad Shariif iyo xertiisa ulamadow aragttidooda ku soo bandhigeen, waana sidan soo socota:

In ahamiyadda koobaad ee gogoshu noqoto ka midho dhalinta dib-uheshiisiin Soomaaliyeed oo loo dhanyahay, oo Soomaaliyi gadhwadeen ka tahay!;
In xukuumadda Ingriisku awoodeeheeda dibloomaasiyadeed iyo siyaasadeed adeegsato si ay S omaliland u keento miis wadahalka, iyadoon ahayn goob jooge, lakiinse qeyb ka ah nabadaynta;
In si straatijiyadaysan loo eego arrimaha huriyana dhibta Soomaaliya ka taagan iyo sidii looga gaashaaman lahaa dhibaatadaa soo noqnoqonaysa.


Sidaa marka ay tahay, waxay isweydiintu tahay: Hindisahan mala awaalka iyo riyada beenta lagu hagayaa ma noqon karaa mid midho dhaliya oo dabta koonfur ka holcaya ma demindoona? Markaynu dib u raadcaano lix iyo toban shir oo kan ka horeeyey iyo qaabkii loo maareeyey, jawaabtu iyada oo kooban waa ma.

Waxa la yidhi ninkii baxay buuraha jinkaa loo bidhbidhiyaae
Booraamo hadimuu ibleys uga bidhaamaaye.


 

 

 

 

 

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
February 4th 2012