Markabkiiugu weynaa ee abid yimaada biyaha Somalilnd,a yaa maanta markii uu horraysay ku soo xidhay De kedda magaalada Berbera tan iyo markii la dhisay

Berbera (Longlivesomaliland News)-Markabkan oo dhererkiisu yahay 236 Mitir, halka  cab irka uu kula jiro biyaha ee afka qallaad loo yaqaanno (Deep Line) uu yahay 9.7 mitir oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn maraakiibta isaga kala goosha dalalka adduunka.

Markabkan oo uu raran qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalka, islamarkaana  si da raashin kala duwan, ayaa layaab iyo ammakaag ku riday dadweynaha reer Berbera  i yo shaqaalaha dekedda Berbera oo iyagu heegan u gallay sidii ay u soo xidhi lahaayeen markabkan, kuna guulaystay. Kaasoo boqolkiiba affartan qabsaday qaadka guud ee  Deke dda Berbera.

Sida uu noo soo tebiyey weriyaha shebekadda Berberanews ee Gobolka Saaxil Yaasiin  Ja amac Cali, maamulka dekedda Berbera, ayaa si weyn u soo dhaweeyey imaatinkan  mark abkan weyn oo ay ku sifeeyeen tallaabo wanaagsan oo u soo korodhay sumcadda  deke dda.

Maareeye-ku-xigeenka Dekeda Berbera Bille Xirsi Ciid oo ka hadlay immaatinka  markabk an, isagoo ku sugan dekeda sheegay inay maamul ahaan soo dhawaynayaan, waxaana ka mid ahaa hadalladiisa; “Waxaanu aad ugu faraxsanahay soona dhawaynaynaa  maraaki ibta caalamiga ah ee ku soo xidha dekeda Berbera oo sumcad iyo sharafba innoo ah, maa mul iyo shaqaaleba waxaanu heegan ugu jirnaa hourmarinta dekeda Berbera, adeega  gu ud ee aanu bixinaa waa boqolkiiba boqol dhinaca shaqaalaha iyo qalabkaba, waana deked shaqaysa 24 saacadoodba.”

Maareeye ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay inay ku gudo-jiraan qoditaanka cabirka hoose ee biyaha ay ku soo xidhaan maraakiibtu oo ay u addeegsanayaan qallab casriya oo ay soo iibsadeen, isagoo intaa ku daray inay sii xoojinayaan adeega shaqo ee  deked da.

Mid ka mid bayloolada ka shaqeeya dekeda ee soo xidha maraakiibta, laguna magacaabo Xirsi oo ku guulaystay xidhitaankan markabkan, ayaa isaguna ka warbixiyey dareenkiisa “Aad baan ugu faraxsanahay inaan markabkii ugu weynaa ee Dekeda Berbera yimaada ku soo xidho, runtiina wax faraqi uma dhexeyaan isaga iyo kuwii hore ee aan soo xidhi jiray, waana innoo sharaf iyo magac in maraakiib waaweyn oo caalamiya ku soo xidhaan dekedda

Dekedda Berbera, ayaa awood u leh inay ku soo xidhaan maraakiibta waaweyn, iyadoo biyaha deep-lineka loo yaqaanno ee dekedda Berbera ay iman karaan maraakiibta 12-ka mitir cabirkooda hoose yahay.
 


Source:Berbera News