Markab ku xidhan Dekedda Berbera oo sababay
dhimasho iyo dhaawac
 



Berbera (TNN):- Marakabka shilkan geystay oo la yidhaahdo Fartuun Exprees ayaa ah Markab lagu soo bedelay markab caan ahaan jiray oo la dekeddaodhan jirey Badar Jeddah kaasoo lagu soo waramayo maqribkii in uu dilay hal qof mid kalena dhaawacay kadib markii uu ka xumaaday wiishka saaran xagiisa sare ee loo isticmaalo dejinta iyo Rarka xamuulka uu qaado.

Qofka dhintay ayaa magaciisa la odhan jiray Maxamud Xuseen Xasan (Dagaal), halka ka dhaaw acmay oo xaaladdiisu aad u liidato la yidhaahdo Maxamed Caydiid Jibriil, kaasoo loola cararay Cisbitaalka.

Illaa hada lama oga sababta cilada keentay hase yeeshee sida uu ku soo waramayo wariyaha waaheen ee Gobolka Saaxil waxa uu sheegaya in ciladda Markabkaas ku timi isla goobtii ku dis hay mid ka mid ah shaqaalaha oo hoos marayey Kontiinar uu wiishku siday, halka ka kalena dha awac culusi ka soo gaadhay.

Maareeyaha Dekedda Berbera Eng: Cali Xoor xoor oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay isagoo ku sugan Hargeysa ayaa Waahen u xaqiijiyey shilka Markabkaasi sababay waxaanu xus ay in Wiishka oo Koontiinar sidaa daakiyey isla markaana dheega ku dhuftay labada shaqaalaha ah.

Cali Xoor Xoor waxa uu sheegay in Hal qof oo shaqaale ahi arrintaas u dhintay ku kalena dhaawac yahay, isla markaana ay baadhayaan sababta shilkaasi.