Marka Wasiir-kuxigeenka Cadaalada Rabo In Lagu Dilo Yaa Kuu Xaqsooraya?
 

Marka Madaxwaynaha waddanka Dahir Rayale uu dastuurka ku tuman ayo, doorasho aanu diyaar u ahayn ee uu jecel yahay inay Guurtidu mar walba mudada xilka u kordhiso, Marka wasiir-kuxigeenka Cadaaladu uu rabo in la dilo ama la xidho hogaamiyaha xisbiga Kulmiye, marka Guurtidu mar walba u kordhiso xukunka Dahir Rayale ee wakhtigu ka dhamaaday, marka askarta police-ku ay rasaas ku ridaan dadka shicibka ah ee si nabadgelyo ah u mudahaaradaaya, marka xoolaha dadwaynaha sida idaacada, baabuurta dawlada, televisionka dawlada loo isticmaalo in tartanka UDUB lagu geliyo; waxa is waydiin leh intii UDUB gefkan gelayeen maxay sameeyeen Kulmiye ee arrinkan kaga jawaabeen?


Kulmiye markii lagu yidhi doorashadii waa la idinka helay sannadkii 2003-da way ogolaadeen oo waa kii Gudoomiye Ahmed Silanyo waddanka badbaadiyay iyada oo dhamaan wadnaha farta lagu hayo. Markii mudada xilka loo kordhiyay Rayale sanadkii 2008-ka waa kii Kulmiye iyo Ahmed Silanyo ogolaadeen muddo kordhinta. Maanta markii mudada loo kordhiyay 2009-ka waa kaa Kulmiye ka werweraya nabada iyo xasiloonida, ka talinaya danta qaranka, danta shicibka, iyo sidii waddankan loo badbaadin lahaa oo loo heli in shicibka la siiyo fursad ay helaan xuquuqdooda oo ay ku doortaan madaxwaynahooda. Maanta shicibka Somaliland meelkasta oo ay joogaan qurbo iyo gudaha labadaba waxay ka siman yihiin inay doonayaan in waddanka doorasho ka dhacdo, waanay ka soo horjeedaan mudo kordhinta xilka Dahir Rayale. Kulmiye wuxu ku tashaday inuu xuquuqda shicibka Somaliland u raadiyo ku dodo sidii doorasho xor iyo xalaal ah loo gaadhi lahaa sida ugu dhakhsaha badana looga bixi lahaa mudadan mar walba xilka la kordhinayo Dahir Rayale dawladiisa.


Shicibka Somaliland ha is waydiiyeen haddii madaxwayne kasta oo la doortaa uu kordhisanayo xilka muddo labasanadood ah, maxaa ku kelifaya inuu raadsado in doorasho dhacdo? Jawaabtu waxa weeye waxa laga yaabaa in madaxwayneyaasha ka dambeeya Dahir Rayale ay sidiisoo kale yeelaan oo ay marayaan waddada ay maanta Dawlada Rayale marayso oo awoodooda saaraan sidii mar walba xilka loogu kordhin lahaa halka ay awoodooda ka saari lahaayeen sidii doorasho loo qaban lahaa. Maanta waddanka Somaliland wuxu u baahan yahay isbedel iyo in la badbaadiyo; Dahir Rayale iyo wasiiradiisa waddanka xukumayay 8-da sannadood kuuma soo wadaan isbedel wax kuu tara. Shicibka Somaliland waxan u sheegayaa in xisbiga Kulmiye yahay ka maanta doonaya in doorasho deg-deg ah waddanka ka dhacdo si muwaadiniintu u helaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ay ku doortaan madaxwayne.


Waxa shaki la’aan ah in maanta shicibka Somaliland is waydiinayaan haddii maanta Kulmiye doorashada ku guulaysto maxaan aniga iga soo gelaya? Maxay kaga duwan yihiin UDUB-ta imika joogta? Waxan arrinkan kaga jawaabayaa in Kulmiye samaynayo dawlad waddanka u naxaysa, shicibkana siinaysa mudnaanta, illaha dhaqaalaha oo dhan u faraysa shicibka si loo abuuro meel ay dadku u shaqo tagaan. Kulmiye wuxu furayaa in shicibku yeelan karo idaacado oo ay xaq u leeyihiin, in shicibku yeelan karo shirkado ay iyagu iska leeyihiin oo aanay dawladu soo faro gelinin, Kulmiye wuxu markiiba meesha ka saaraya gudida isku magacawday “Gudida Nabadgelyada” laakiin dadku u yaqaaniin “Gudida laaluushka” ee xidhxidha dadka shicibka ah ee masaakiinta ah. Kulmiye wuxu dhisayaa dawlad u dhexaysa dhamaan shicibka Somaliland meel kasta oo ay joogaanba oo dacaad u ah qaranka iyo shicibka, dawlad ilaalinaysa dastuurta. Kulmiye wuxu qabanayaa doorashada xiligii loogu talo galay, Kulmiye Guurtida kama dalbanayo in xilka loo kordhiyo. Kulmiye wuxu samaynayaa maamulka maxkamada oo daacad u ah qaranka, shicibkana si cadaalad ah ugu xaq sooraan. Kulmiye wuxu samaynayaa dawlad kooban oo tayo leh, Kulmiye wuxu samaynayaa Idaacad iyo television ka dhexeeya qaranka oo dhan oo aan lagu ilaalin danta Kulmiye oo keliya.


UDUB, Dahir Rayale, Ahmed Yassin iyo Wasiiradiisa 8-deed sanadood ayaad arkayseene ma filaysaan inay isbedel idin keenayaan? Waxa shicibka Somaliland ka filayaan Dahir Rayale waa wixii ay ka heleen sideedii sanadood ee la soo dhaafay. Miyaanad khaatiyaan ka joogin Dahir Rayale oo ku hor taagan 11 sannadood? Sida keliya ee Somaliland guul ku gaadhaysaa waa in isbedel la sameeyo oo aan laga ogolaan Dahir Rayale inuu dastuurka ku tunto. Maalin ay noqotaba way dhacaysaa doorashadu, shicibku way xasuusan yihiin ninka dantooda u daqaalamayay iyo ninka xuquuqdooda duudsiyay ee diiday doorashada ee doonaya korodhsiga.


Shicibka Somaliland ee doonaya isbedel iyo sidii waddanka horumar loogu samaynaa lahaa waxay taageerayaan Kulmiye, shibicka aan wali hubin waxa Kulmiye soo wado, waxan rajaynayaa in maqaalkani tuso xisbiga lexejecladu ka hayso waddanka inuu yahay Kulmiye oo ficilkiisu muujinayo sidaas, iyo xisbiga aan kala jeclayn waxa waddanka ka dhacaya iyo horumarka waddanka oo aan la isku taxalujinin waa UDUB, waxaana muujinaya ficilkooda.


Waa nasiib darro halkii aynu ka filaynay in xukuumada Dahir Rayale ay ictiraaf ka keento caalamka kale ayay waxay keliftay in ficilkeedu kelifo in xukuumada Somaliland lumiso ictiraafkii shicibka Somaliland ay aqoonsanaayeen dawladooda dhexe iyo maamulkeeda. Ictiraaf UDUB keento hadalkiisa iska daa, waa kuwaa maanta kelifay in badh ka mida shicibka Somaliland ay aqoonsigii kala noqdeen xukuumada Somaliland.


Shicibka Somaliland waxa ku waajiba marka doorasho dhacdo inay taageeraan xisbiga dantooda ka talinaya, xisbiga waddanka lexojeclo ka hayso, xisbiga aan dalban doonin in loo kordhiyo mudada ay xilka hayaan, xisbiga doorasha ku qabanaya xiligii loogu talo galay. Xisbiga waddanka iyo shicibka u shaqaynaya ee gudanaya xilkii loo igmaday; xisbigiga keliya ee maanta u hiilinaya shicibka iyo qaranka, ee xuquuqdooda u daqaalamaya waa KULMIYE.

 




Rashid Garuf

Virginia, USA