Maraykanka oo ka Baaraan-degaya sidii  Taageero u siin lahaa Madax-bannaanida Somaliland

 

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa imika ka baaraan-degaya sidii dawlada Maraykanku taageero u siin lahayd madax-bannaanida Somaliland kadib markii Maraykanka iyo xulafadoodu ay ku guul daraysteen inay deganaansho ka abuuraan Soomaaliyada ay dagaaladu aafeeyeen. Maraykanku wuxuu isha ku hayaa gooni isu taaga Somaliland oo uu arko inay tahay goob cusub oo Istaraatiiji u ah arrimaha gobolka geeska Afrika. Waxaana taa cadaynaya kulankii uu dhawaan Madaxweyne Rayaale kula yeeshay Djibouti Senator Russ Feingold.

Sidaa waxa lagu sheegay warbixn lagu qoray warsidaha Medheshi oo ka soo baxa Itoobiya, warbixinta oo Cinwaan looga dhigay “Dawladda Maraykanka oo indhaha ku haysa Somaliland” waxay tidhi:-

“Somaliland waa inay noqotaa dal madax-bannaan” sidaa waxa yidhi sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Maraykanka oo u waramayay jariirada Washington Post.

Somaliland waa maamul ka dhisan dhinaca waqooyi galbeed ee dalkii la isku odhan jiray Somalia oo ku doodaysa inay ka madax-bannaan tahay Somaliya. Dalkan ka go’ay Somaliya 1991-kii oo ay ku nool yihiin dad gaadhaya 3.5 milyan qof ayaan loo aqoonsan si caalami ah.

Masuuliyiinta dawlada Maraykanka ayaa waxay imika ka fikirayaan sidii ay dawladoodu taageero u siin lahayd madax-bannaanida dalka Somaliland. Waxay qabaan in Somaliland ay ka ciyaari karto door wayn gargaar milatari oo uu Maraykanku ka fulliyo gudaha Soomaaliya.

“Waa in aanu wax la dhisnaa maamulada shaqaynaya oo aanu ka hortagnaa khatarta gobolada aan xasiloonidu ka jirin, gaar ahaan inta ku teedsan Muqdisho” sidaa waxaa yidhi sarkaalkaas ka tirsan wasaaradda difaaca.

Hogaamiyayaasha Somaliland ayaan iyagu ku dhex milmin dawlada dhexe ee ku meel-gaadhka ah ee Somalia. Dalkani wuxuu ka badbaaday inta badan qaska iyo qulqulatooyinka saameeyay Somalia tan iyo markii ay dawlada la deriska ah ee Itoobiya u dirtay ciidamada gudaha Somalia si ay meesha uga saaraan Maxaakiimtii Islaamka iyagoo garab siinaya dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somalia. Tan iyo wixii intaa ka dambeeyay, Somalia waxay ku dhacday bohol dheer, waxa maalin walba ka socda dagaal iyo toogasho.

Qorshaha Pentagon-ku ayaa la kulmaya diidmada ka timid wasaarada arrimaha dibeda oo iyadu aaminsan in Washington aanay aqoonsan karin Somaliland ilaa uu marka hore Midowga Afrika aqoonsado.

“Ma doonayno inaanu ka hor dhacno urur qaaradeedka Midawga Afrika arrin sidan oo kale muhiim u ah” sidaa waxa tidhi kaaliyaha arrimaha dibeda Maraykanka ee Afrika, Jendayi E. Frazer oo u waramaysay war-baahinta. Sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa sheegay inay jirto caqabad hortaala, taas oo ah in Somaliland ay tahay dal aan la aqoonsanayn.

Masuulkan ka tirsan wasaarada difaacu wuxuu sheegay in siyaasadii ahayd in marka hore loo meel dayo Soomaaliyada burbursan ay noqotay siyaasad guul daraysatay.

Dhinaca kale, ciidamada Maraykanka ee ku sugan Jabuuti ayaa aad u doonaya inay is kaashadaan Somaliland. “ waanu danaynaynaa Somaliland, waxaanu sugaynaa oo kaliya in dawladayadu na siiso ogolaansho” sidaa waxa yidhi Bob Wright oo ah madaxa xidhiidhka istaraatijiyadeed ee ciidamada isku dhafka ah ee geeska Afrika. Ciidankani wuxuu ka kooban yahay 1,800 askari oo Maraykan ah oo gobolka ka fulliya tababaro milatari iyo mashaariic dib u dhiseed.

 

 

 


Waaheen