Maraykanka oo hakiyay socdaal Axmed-Siill aanyo kaga soo laaban lahaa Nairobi

 

London (Longlivesomaliland News) -Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa sheegay in la hakiyay sodaal uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud  (Siillaan yo) berri kaga soo laaban lahaa dalka Kenya oo uu mudo caafimaad u joogay.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo xalay khadka talefoonka kula soo  xidhii dhay Wargeyska Ogaal isaga oo jooga magaalada London, ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal uu ku tegay dalka Maraykanka, waxa uu sheegay in  soc daalkiisa Washington uu la xidhidhay martiqaad uu ka helay Baarlamaanka dalkaas. Xoghayuhu wuxuu sheegay in mudadii uu joogay Washington uu la kulmay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Sen. Donald Payne oo ah Guddooiyaha Guddi-hoosaadka baarlamaanka dalkaas u qaabilsan arrimaha Afrika.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu sheegay in masuuliyiintii uu la  kulma y uu xog-waran ka siiyay xaaladda Somaliland, isla markaana uu dorraad  kul an la yeeshay Xoghayaha Bariga Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha  D ibadda Maraykanka. “Masuuliyiintaa aanu kulanka wada yeelanay ee  arrima ha dibadu waxay muujiyeen inay aad uga xun yihiin go’aanka lagu laalay  nat iijada diiwaangelinta iyo sida xukuumada Rayaale uga dhego-adaygayso  doo rashada madaxtooyada,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Wuxuuna sheegay in talaabooyinkaasi yihiin kuwo aad u sii kala fogaynaya xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka.

Donlad Payne wuxuu ii sheegay inuu raacayo oo uu ka mid yahay wefti ay hogaaminayso Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka Mrs Hillary Clinton oo socdaal ku tegaya Bariga Afrika. Markaa waxaan ka codsaday inuu la kulmo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siillaanyo oo hada ku sugan Nairobi, sidaa darteed waxa Axmed Siilaanyo lagu wargeliyay inuu hakiyo socdaalkii uu kaga tegi lahaa Nairobi, wuxuuna maalmaha soo socda halkaa kula  kulma yaa Sen. Donald Payne.” Ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi. Waxaanu intaa ku daray inay haatan isku deyayaan sidii ay u suuragelin lahaayeen oo  jadw al-hawleedkeeda loogu dari lahaa in Axmed Siillaanyo kulan la yeesho Mrs Hillary Clinton.

 


Source: Wargeyska Ogaal