MAQAAL TAAGEERO AH

 

 


Aniga oo ah muwaadin u dhashay Somalilaand kuna nool magaalada London ee dalkan Ingriis ka, magacaygana la yidhaa CALI AXMED SH MUSA. Waxaan maqaalkan ku taageeraya baaqii Madaxweeynaha Jamhuuriyada Somaalilaand ee ahaa(In aan dhulka iyo Guryaha qaranka cid gaar ihi yeelankarin, iibinkarin, kireenkarin, duminkarin, amaba sideydoonto ugu tarkifalikarin).
 


In mudo ah ba waxa caado noqotayin dad badani iska xalaasleystay hantidii qaranku laha, ga ar ahaan dhulka iyo guryiha, ayaga oo ugu tarkifalay sidii hanti ay gaar u leeyihiin. Guryaha q aarkood waa la iibiyey, qaarkood wa la kireeyey, qaarkood waa la dumiyey oo dib ayaa loo dh istay, qaarkoodna waa la iska deganyahay iyada oo aan wax kiro ah laga bixin. Taasina waa a rrin ka soo horjeeda sharciga iyo distoorka dalka. Arrinta in badan ayaa la sugayey xukuuma du wax ka qabato,wax laga qabtayse majirin.



Hadaba waa ilaahay mahaddii haddii uu Madaxweynihii ummadu hu baaqay arrintaa wax ka qa bashadeeda, cadeeyeyna in aan guryaha iyo dhulka qaranka cid gaar ahi yeelankarin. Waxaan jeclahay in aan ku dhiirigaliyo Heyada ama Wasaaradda qaabilsan arimaha dhulka iyo guryaha Qaranku in ay si deg deg ah talaabo adag uga qaadaan sidii ay u sugi lahayeen hanti da Qaranka, una fulin lahaayeen baaqii ka yeedhay Madaxweeynaha Qaranka mudane AXMED MOXAMED MAXAMUUD. Si aanu baaqaasi u noqon biyo col dhaanshay iyo hadalaiska yidhi oo aan wax ka soo qaad lahayn
 

 

 

 

 

Qore: Cali Axmed Sh. Musa
Email: golwaraabe @yahoo.co.uk