MALA DILAY CISMAAN HINDI, YAA SE DILAY,
MAXAASE LOO DILAY?


 


Waxaan ku jahawareeray sheeko maalmahan Hargeisa si aad ah u dhex mushaaxaysay oo ku saabsan Cismaan Hindi oo ka mid ah xisbiga UDUB. Kolay shakhsiyan anigu aqoon uma lihi Cismaan Hindi, laakiin waxaan ku kulanay goobo kala duwan marar kala duwan. Inkasta oo aanay sheeko badani na dhexmarin, hadana waxaanu isweydaarsanay hadalo kooban.

Cusmaan waxa dadka badankiisa ugu horeysay maqalkiisii doorashadii 2003 ka hor, wakhti gaas oo uu ahaa guddoomiyaha gobolka ee xisbiga kulmiye. Waxaan xasuustaa marar badan oo uu soo saari jiray war saxaafadeedyo uu si aad ah ugu canbaaraynayo xukuumaddan  ha dda uu difaacayo ee Daahir Riyaale. Waxaa uu ka hadli jiray waxyaalo badan oo run ah oo jiray oo uu eedeeda dusha u saari jiray xukuumadda iyo xisbigeeda. Si ay u dhacdayba  wux uu haatan Cismaan Hindi dhex fadhiyaa xisbigii UDUB ee uu shalay naqdiyayay ee uu ku  dhal eecaynayay inuu dhinac walba waddankii ka baabiiyay, ku darsoo waliba hadda ayay  xaala da waddanku ka liidataa maalmahaas hore. Keligiis ma aha, laakiin rag badan oo af iyo  addi nba u cambaarayn jiray UDUB iyo xukuumadda ayaa maanta shidhka ugu jira, waliba  qaark ood u dhaqmayaan si ka liidata sidii ay ku cambaarayn jireen mas'uuliyiintii UDUB. Tani waa MUNAAFAQNIMO caddaan ah marka runta laga hadlo.

Aan u daadego dulucda maqaalkayga. Waxaan markii ugu horreysay maqlay warka Cismaan Hindi duhurkii maalintii arbacada. Anigoo hor maraya maktabadii masaarida ee dhinaca bari ka xigta madaxtooyada ayaa nin askari ah oo ka mid ilaalada madaxtooyadu I waydiistay in aan qaado oo aan suuqa gaadhsiiyo. Â Askarigii oo aanaan aqoon hore isku lahayn ayaanu sii sheekaysanay. Waxaanu falanqaynay arrimaha doorashada iyo marxaladan lagu jiro.

Wuxuu askarigii ii sheegay in Cismaan Hindi gacanta laga jabiyay oo uu dhaawac gaadhsiiyay nin reer xxxxxxx hebel ah oo ay isku xisbi yihiin, waxaa kale oo uu aad u naqdiyay  hab  dhaq anka niman badan oo Cismaan Hindi  ku jiro oo UDUB horbooda hadda oo uu ku sheegay  in ay yihiin Tuug xoolaha ummada cuna. Waxaanu askarigii si kalsooni leh u yidhi Ilaahay hana dhaafiyo UDUBtan iyo dawladdooda oo wax khayr qaba hanoogu bedelo. Waxaan aad ula  ya abay sidan dhiiran ee askarii ilaalinayay Daahir Riyaale uu u rabo isbedel. Waxaan askarigii dhigay xarunta Telesom ee suuqa waananu ismacasalaamaynay. Sheekadii Cismaan hindi  w axaan sidoo kale ka maqlay qolyo kale oo iyaguna sidaas oo kale ayay iigu sheegeen, qaarko odna waliba iigu dareen waxa la isku hayay ee lagu dilay cismaan hindi.

Goor cawaysinkii ah ayuu ila soo hadlay nin aanu asxaab nahay. Wuxuu igu yidhi waxaad  da awadaa TVga UDUB waa sida dad badani hadda u yaqaanaane. Waan geeyay channelkii. Waxaaba ku jira oo ka hadlaya Cismaan Hindi oo dadka tusaya gacan duuban. Inkasta oo  aa nan hadaladiisii nacnacda u badnaa wada dhagaysay oo uu damiirkaygu diiday, hadana  wax aan ka sii xasuustaa isagoo leh, "waxay ahaayeen shan nin, midbaa isoo weerayay, waa la ii soo diray, dad baa ka danbeeya, arrinkani wuxuu daba socdaa hadal aan saxaafadda ka she egay maalin dhawayd oon kaga hadlay hoggaanka xisbiga Kulmiye, nadabgalyada ayaa la  kh alkhalinayaa", erayadan iyo hataatac badan oo uu malaha islahaa dumarka iyo caruurta ku cabsi gali ayuu meesha kaga hadaaqayay. Niyadaydu way isiin wayday inaan sii dhagaysto hadal BEEN ah oo midh run ahi ku jirin. Waxaan la hadlay saaxiibkgaygii ii soo sheegay inaan TVga bal ka fiirsado ninkan leh gacan baa la iga jabiyay. Cabbaar ayaanu ka sheekaysanay oonu falanqaynay. Wuxuu sxbkaygani ii sheegay in Cismaan Hindi xiitaa markii uu Tvga isku diyaarinayay inuu ka hadlo inuu rabay inuu arrinka ka dhigo reero. Wuxuu ii sheegay in nin ay kulmeen Cismaan hindi uu u sheegay inuu rabo inuu TVga ka yidhaahdo waxaa I dilay nin reer hebel ah, anigoo reer hebel ah, waxaanu arrinkan sameeyay Siilaanyo oo raba inuu  ree raha isku dira. Balse niman kale oo yara caqli dhaamay oo isla UDUB ah ayaa ku yidhi sidaas ha u dhigin oo arrinku waxa laga yaabaa inuu inagu soo noqdee sidan kale u dhig. Isna ilay waa nacase, sidii buu ka yidhi TV. Islaan waayeel ah oo aanu deris nahay oo ka hadlaysay ar rinkan ayaa waxa hadaladeedii ka mid ahaa " oo hooyo berigii hore HInda ayaaba kuwii  yary araa ee wax ku dhuftay gaadhi jiidhsiisaye, hadda yaa ka celin, ilayn waa kanoo waa la I dilaydaasuu hayaaye" Bal adba – Hindi hadda ingiriiska ayay joogtaa ogaalkayga inkasta oo ay aad uga caqli badan tahay isaga.

Hadal iyo dhamaan waa been cad in Cismaan hindi cid wax ku soo dirtay. Waxay tahay  xaqii qadu inuu hunguri waynidiisa iyo nidaam xumidiisu tahay waxa ku keenay dhibkan.

Guntii iyo gabagabdii waxa la gudboon shacabka Somaliland inay ka taxadiraan fidnada ay  w adaan xisbigan quusta taagan ee UDUB iyo xukuumadiisu. Waxa looga baahan yahay  muwaa din kastaa inuu indho dheer u yeesho siday wax u socdaan, khaasatan wakhtigan saacaddu taagan halkii ugu danbaysay oo ay naftii UDUB u marayso qawlal mariidka.
 

 

 

 

M-jamiil Dahir
Hargeisa