“Maktabada GAANDI Maaha Suurtagal In La Iibiyo,”Suxufiyad Sahra Ciidle Nuur

 


Maalmihii u dambeeyay asxaabtayda iyo dadka aanu guud ahaan u wadaagno degelkan Fac e-book-ga inta baddani waxay aad u hadal hayeen xidhitaanka Maktabada GAANDI ee ku ta ala badhtamaha Magaalada Hargeysa,balse waxba kuma darsan ilaa inta aan soo ogaanaya y xaqiiqada meesha jirta iyo sababaha keentay in dhismaha hada Library-gu ku yaalo lagu w areejiyo muwaadin kale oo Ganacsi ama shaqo gaar ah ku qabsanaya.

Imika iyo Haatana ma jecli inaan soo bandhigo sidii aan xogta u soo helay iyo xaqiiqada rasmi ga ah ee aan dhinac kasta ka soo maqlay.Mana rabo inaan cid gaar ah bartilmaameedsado a ma qalad saaro, guud ahaana qoraalkayga caadifadi ka reeban.

Balse aan taabto taariikhda Maktabkani uu aniga igu leeyahay, iyo baahida maanta loo qabo in Maktabado baddan oo la mid ah GAANDI la sameeyo.

Waxay ahayd xili baahi baddan loo qabay in aad hesho Buug ka madax-banaan ka uu Macalin kaagu haysto oo aad ka hesho sharaxaad la xidhiidha deriska aad markaa baranayso waa qi yaastii xili ku aadan sanadii 2002 ilaa 2003, waxa Buugaagta lagu Iibin jiray Dukaan la yidhaa ‘’Hi TECH’’ ma ogi hada inuu wali jiro iyo in kale, Meesha soo raacda ee aad Buug ka heli karta a waxay ahayd GAANDI Library oo ku yaalay meel aan ka fogayn saldhiga dhexe ee Magaala da Hargeysa, runtii Buugaagta GAANDI taalaa may ahayn Iib,balse waad ka bogan kartaa in aad akhrisato oo aad Note ka qorato, ama lacag yar oo aan badnayn aad bixiso muddo koob bana ku soo celiso, runtii aniga iyo Ardaydii ila midka ahayd-ba xiligaasi waxaanu GAANDI Li brary kaga baxnay abaar naga haysatay Buugaagta, maanu aqoon cidda leh, ma dawladdaa leh?, ma ganacsataa leh?, ma quruumo hore ayuu ka soo hadhay? Waxay ahayd su’aalo aan aan isba weydiin jirin.

Markasta oo aan maanta dhex marayo Maktabadaha Waa-wayn ee ku yaala Caasimada Mar eykanka ee Washington Dc waxaan soo xusuustaa GAANDI oo waxaan u holadaa oo aan is id haahdaa yaa Buugaagtan qaada oo halkii aad ogeyd geeya dad baddan iyo dhalinyaro badd an oo waxbaranaysa ayaa u baahane.taasi waxay u caddahay sida ay Maktabadaasi GAAN DI xasuusta weyn iigu leedahay oo aanan ilaabi Karin.

Haddii aan u imaado xidhitaankiisa Maktabada GAANDI, ma haddii meesha laga dhigayo Libra ry ka sii casriyaysan oo Digital ah oo macluumaadka yaalaa ka sii horumarsan yihiin kii hore, dee waa Khayr iyo Abshir oo duniddu maanta xawli ayay ku socotaaye hala la jaan qaado, b alse haddii Meherad kale oo wax-barashada ka madax-banaana laga sameynayo waa mid aa n suuro-galeyn caqliga sidaa ku fekerayna waa mid aan habeen jirin, lagana yeeli-mayo, wa ayo dee waa la is qabtaa haddii meesha qalad lagu guurayo.

Geesta kale, dalka maanta kuma yaalaan meelo ay dhalinyaradu ku madadaalato ama fadhiis ato, Movie Theatre ma laha, Garoomo wanaagsan oo ciyaaraha fudud lagu qabto malah a,ma ktabado baddan oo ay aqoon ka korodhsadaan ma jiro, meelo jidh dhisa oo dawliya (Public) ahi ma jiraan, Park ama meelo ku haboon in la fadhiisto magaalada kuma yaalaan, halkii inta asiba in la sameeyo dedaal looga gali lahaa haddii meeshii yarayd ee ay Caruurtu wax ku akh risan jirtayna Dukaan laga sameeyo taa macnaheedu sow noqon mayso in dhamaan dhaliny aradu maqaaxiyaha wada tagaan ilayn waa meesha kaliya ee kursi banaan laga helayee? Haddii Wiilashu maqaaxiyaha tagaan oo Qaad Cunaan, Gabdhuhuna Musalsal daawadaan oo maalin-ba Series ku dul dhamaado yaa keenaya fikir cusub iyo horumar?, ma waxaynu joogn aa Saudi Arabia oo ay dadka muwaadiniinta ah dawladdu Bank ugu shubtay waxay cuni doo naan ilaa inta ay nool yihiin hadiiba ay baahdaan, miyan la doonayn in wiilka iyo gabadhu ka fikirto wixii waalidkood ka maqnaa si ay noloshu is-bedel u yeelato oo loo horumaro?

Waxaan qormadaydan ku soo koobayaa dadku wuxuu u baahan-yahay meel caafimaad qaba oo ay ku kulmaan dhalinyaro iyo waayeelba, waxa loo bahan-yahay maktabado (Libraries), Museums, Fitness Centers, Physical Therapies, Spa and Modern Salons, Youth and Educators Council Centers, Literature and Historian Places.

Dhamaan xarumahaasi aan soo sheegay waa meelo ay dadku kaga mashquuli karaan siyaas ada iyo qabyaalada maanta qof kasta Camal u noqotay dadkuna ay aqoon iyo Ilbaxnimo ka heli doonaan oo ay la jaan qaadi doonaan dhigooda caalamka.

Haddii taa la waayo dee waxay noqonaysaa in Makhaayadaha lagu ururo, oo qaad intii hore ka baddan la cuno waxa kaliya ee laga sheekeeyana ay noqdaan Reero, Beelo, Gobol, iyo faa n aan dadkii horeba meel gaadhsiinin.

Ha la Daayo GAANDI LIBRARY, hana la furo kuwo ka casriyeysan, hana la soo badiyo gooba ha Aqoonta iyo Ilbaxnimada horseeda.

Sahra Ciidle Nuur.

Washington Dc/USA

Suhayr2003@hotmail.com