WAR-SAXAAFADEED
 


Majirto wax fara-gelin ah oo ay xukuumaddaydu ku hayso nidaamka garsoorka iyo cadd aalada.

Waxaan xukuumad ahaan aanu u taaganahay in garsoorkeenu noqdo mid u hiiliya xaqa isla markaasina dhawra xuquuqda Aas-aasiga ah ee muwaadiniinta, sidaasi waxa yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo.

Waxaa maanta qaar ka mid ah warbaahinta lagu baahiyey war ku saabsan sida ay ku andacoodeen, qaarka mida xaakimada maxkamadaha hoose, in xukuumaddu ay garso orka fara-gelin ku hayso.

Ma jirto wax dacwad ah oo arrintaasi ku saabsan oo iga soo gaadhay gudiga caddaala da, waxaana iga go’an xukuumad ahaan in aanu gacan-buuxda ku siino gudashada waa jibaadka garsoor ee ay qaranka u hayaan maxkamaduhu, waxaana la dareemi karaa in tii ay xukuumadaydu ay timid waxyaabaha iyo isbedelada ka muuqda garsoorka dalkee na, hadii ay jiraan cid shaqsiya ay fara-gelin u gaysatay garsoorka marka la xaqiiyo ka dib waxaan ka qaadi doonaa talaabada ku haboon.



Ugu danbayn garsoorka iyo maxkamadeheena waxaa laga rabaa iyada oo la dhawrayo anshaxa dawladeed iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’addaha kala duwan ee dawla da, in wixii cabasho ah ee jira loo maro nidaam maamul iyo qoraal, balse aanay munaa sib ku ahayn in warbaahinta la isu mariyo eedo iyo dacwado aan loo gudbin cidii ay khu saysay.



ALLAA MAHAD LEH



Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.