Magacyada Masuuliyiinta ay qafaasheen Puntland iyo khasaarihii ka dhashay jidgooyadii degmada Taleex


 


Hargaysa 10 August,2011(TNN)- Maleeshiyada maamul goboleedka Puntland ayaa maanta jid gooyo u galay oo khasaare gaadhsiiyay wefti ka socday dhinaca Somaliland oo uu Hogga aminayay Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ay weheliyaan masuuliyiin badan oo ka tirsan laamaha dawlada Gobolka Sool, kuwaasi oo socdaal shaqo ku tagayay degmada Taleex ee gobolka Sool.


Maleeshiyada Puntland oo weftigan jidgooyo u galay deegaanka Carro oo ku taala duleedka degmada Taleex, waxaana weerarkaasi ku dhintay Guddoomiyihii waxbarashada ee degmada Taleex Marxuum—Maxamed Xasan Cartan, waxa kale la dhaawacay sadex xubnood oo weftig aasi ka mid ah, halka 4 masuulna gacanta lagu dhigay.

falkan waxa ka badbaaday Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Taliyaha sirdoonka go bolka Sool Daahir Dirir.

Masuuliyiinta maamulka Majeerteeniya ay gacanta ku dhigeen waxay kala yihiin Xeer Ilaaliyi hii Gobolka Sool Siciid Cabdi Cali Shire., Guddoomiyihii Maxkamada degmada Laascaanood Sal aad Ismaaciil, Guddoomiyihii Waxbarashada gobolka Sool iyo Taliyihii ciidanka qaranka ee aa ga Taleex Maxamed Shirre Dhoodi. Warku waxa uu intaasi ku darayaa in ay maleeshiyada Ma jeerteeniya ay dhaceen shan baabuur oo 2 ka mid ah dad rayid ahi leeyihiin.

Dhinaca kale waxa maanta ka hadlay shirqoolkaasi Agaasimaha Guud ee wasaarada arrima ha gudaha Cabdilaahi Xuseen Cige waxaanu yidhi “ Wefti Masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuu mada Somaliland oo uu hoggaaminayo Xildhiaan Saleebaan Cali Koorre ayaa saaka ka baxay Magaalada Laascaanood iyaga oo u socday dhinaca degmada Taleex, waxa wadada u galay Koox shufto ah oo wadata Baabuur Tikniko ah iyo qoryo kale.”

Agaasimaha Guud waxa uu sheegay in Puntland ay qafaasheen xubno ka mid ah weftigaasi oo uu tilmaamay inaanay garanayn meel ay ku sugan yihiin dadkaasi waxaanu yidhi “Maleesh iyada Puntland waxay waxyeelo u gaysatay weftigii qaar ka mida, qayb ka midana qafaash ay ilaa haddana aanaan garanayn meel ay ku sugan yihiin, hasa yeeshee weftigii qaar ka mid ahi way ka nabad galeen oo uu Xildhinaan Koore ku jiro haddana waxay ku sugan yihiin degm ada Taleex. Ciidamada Qaranka ee aaga hore ku suganina way ku daba jiraan waanay baadi Goobayaan.”
 


Source:Somaliland.Org