Magacyada Ardayda Kaalmaha ugu Sarreeya ka Galay Imtixaankii Shahaadiga ah

 


Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ayaa si rasmi ah shalay u soo saartay natiijada imtixaanka shahaadiga sannad-dugsiyeedka 2007/2008-da fasallada 4aad iyo 8aad ee dugsiyada sare iyo dhexe ee dalka.


Imtixaankan oo guud ahaan u fadhiisteen 9,727 oo arday oo isugu jira fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo afraad ee dugsiyada sare, ayaa ah mid ardaydu badankoodu gudbeen, isla markaana dhicidiisu sannadkan yarayd. Waxaana dugsiyada sare oo ay u fadhiisteen imtixaanka 3,027 arday gudbay 2,905, halka ay ka dhaceen 9 keli ahi. Dugsiyada dhexe oo iyagana ay u fadhiisteen 9,727 arday waxa gudbay 5,683, waxana dhacay 707.


Xaflad ballaadhan oo lagaga dhawaaqay natiijada imtixaanaadkaas oo shalay lagu qabtay xarunta Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, madaxda iyo hawlwadeennada xafiiska imtixaanaadka, maamulayaasha dugsiyada iyo marti0sharaf kale.


Wasiirka Waxbarashada Md. Xasan X. Maxamuud Warsame (Xasan-gadhweyne) oo isagu ku dhawaaqay natiijada imtixaankaas, ayaa isaga oo arrimahaas faahfaahinayey waxa uu yidhi; “Waxa maanta ii sharaf ah in aan halkan kaga dhawaaqo natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee 2007/2008-da oo guud ahaan ardayda u fadhiisatay ee fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo afraad ee dugsiyada sare tiradoodu marka la isku daro dhammayd 9,727 arday, kuwaas oo isugu jira dugsiyada sare oo ay u dhafiisteen 3,027 ka kala yimi 36 dugsi iyo dugsiyada dhexe oo ay u fadhiisteen 6,702.


Haddaba, ardaydii dugsiyada sare ee imtixaanka u fadhiistay waxa gudbay imtixaankoodii 2,905 arday, waxa dhacay 9 arday, waxa laga tirtiray 37, waxana ka maqnaaday oo aan gelin 113 arday. Halka kuwa u fadhiistay dugsiyada dhexe ay gudbeen 5,683 arday, waxa dhacay 707, waxa tirtiray imtixaanka 68, waxaan gelin imtixaanka 244.”


Wasiirku waxa uu sheegay in sannadkan wasaarad ahaan ay culayska saareen ka hortagga ardayda sida aan sharciga waafaqsanayn imtixaanka uga qaybgashay, kuwaas oo aanay shaacin natiijadoodii oo laga reebay ilaa ay soo caddaynayaan sharcidda ardaynimadooda. “Waxaan filayaa sannadba sannadka ka dambeeya waxaynu u sii gudbaynay sidii waxbarashada dalka loo tayeyna lahaa, loogana gudbi lahaa surmaseegtooyinka yaryar ee weydaynaya nidaamka iyo dhaqanka waxbarasho ee Somaliland. Ardayda laga tirtiray imtixaanku waa arday laga waayey shuruudihii imtixaanka loogu fadhiisanayey oo ay ka mid tahay imtixaankoodii fasallada 7aad la waayey ama kii fasallada 3aad ee dugsiga sare oo kale,” ayuu yidhi Md. Xasan-gadhweyne.


Waxa kale oo wasiirku uga digay waalidiinta iyo cid kasta oo jecel inay gacan ku siiyaan ardayda sidii ay sifo aan waafaqsanayn nidaamka waxbarasho dugsiyada dalka ugu dhigan lahaayeen, isla markaana doonaya inay sidaa imtixaannada ku fadhiistaan.


Guddoomiyaha Guddiga Imtixaanaadka Qaranka Mr. Daa’uud Axmed Faarax, ayaa faahfaahin buuxda ka bixiyey sababaha ay u cuskadeen baabi’inta imtixaanka ardayda ee ay joojiyeen, isagoo sheegay in ardayga laba jeer wax laga tirtiri karo - mar imtixaanka dibaddiisa oo uu sharci-darro ku yimi dugsiga ama fasalka uu ka qallinjabiyey iyo mar imtixaanka gudihiisa ah, taas oo ah qishka ka dhaca imtixaanka dhexdiisa ama arday mid kale u gala.


“Sannadkan waxa nagu soo kordhay baabiinta dibadda ee ardaygu sida sharci-darrada ah markiisa horeba uu ku yimi fasalka uu ka qallinjabiyey. Markaa ardayda imtixaanka laga baabiiyey 68 ka mid ahi waa dugsiyada dhexe, dugsiyada sarena waa 37 arday, waxay isku noqonayaan 105 arday. Dhammaan ardaydaasi way iska waayi doonaan natiijada imtixaanaadka, waxana arrintan soo baadhay oo laga duulay kormeerka guud baadhistii uu sameeyey, iyagaana daliil u keenay. Sidaa daraadeed ardaygii dacwad ka qabaa baabiintaa, waxay la kulmi doonaan guddigaa kormeerka wax dhib ah malaha ee natiijooyinka waa la hayaa, ciddii wax sax wadata way u hagaagi doontaa,” ayuu yidhi Mr. Daa’uud.


Guddoomiyuhu waxa uu digniin ka bixiyey in dhaqan xumo uu sheegay inay sannadka ku soo koradhay imtixaanaadka dalka Somaliland, taas oo ah in qaar ka mid ah ardaydu waraaqahoodii imtixaanka ay ku soo qoreen farriin ay kaga dalbayaan macalinka u sixi doona inuu ka caawiyo imtixaanka, isla markaana ay siin doonaan abaalmarin, iyaga oo u soo qoray lambar telefoon. Waxaannu Guddoomiyuhu tilmaamay in dhaqankaasi aannu weligii bulshada soo marin, sidaa daraadeed guddiga imtixaanaadku ay goosteen inay ardaydaana la joojiyo imtixaankooda.


Sidoo kale waxa Mr. Daa’uud uu ka dayriyey saamaynta ay waxbarashada ku yeelan doonto ardayda ka booda fasalada toddobaad ee dugsiyada dhexe iyo saddexaad ee dugsiyada sare, arrintaas oo uu tilmaamay in haddii ay sidaa ku sii socoto ay keeni doonto inay labadaa fasal baaba’aan.


Magacyada, dhibcaha iyo dugsiyada ardayda kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe ee dalka waxay kala yihiin sidan:


15 arday ee ugu sarreeyey imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka:


Wiilasha:


1. Aidarus Cali Muxumed Bakal 929 26th June


2. Mohamed Omer Warsame Hersi 918 Al-aqsa


3. Hassan/wali Aadan Ahmed Diriye 908 Ilays


3. Yuusuf Ahmed Mohamed Dahir 908 Timacadde


5. A/Hamed Mohamed Ali Saleiban 893 Ilays


5. A/qani Ali Aidid Handule 893 G/Libah


7. Mohamed Mukhtar Qamar Mohamed 877 Blooming


7. A/fatah Ahmed Hussein Omane 877 Al-aqsa


9. Ibrahim Nour Aqli Dirie 868 Ilays


10. A/fatah Mohamed Arab Ali 866 26th June


Gabdhaha:


1. Hibo Adan Ahmed Dirie 769 Ilays


2. Hibo Ibrahim Dirie Farah 789 Sunshine


3. Khadra Abdi Abdillahi Muhumed 754 D/Guray


4. Fadumo Mohamed Hirsi Hujaale 746 Blooming


5. Fadumo A/rahman Ahmed Muhumed 733 Prived Candidate.


10ka arday ee ugu sarreeyey imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe ee dalka:


1. C/wahab Maxamed Cabdiraxman X. Yuusuf 566 Guryo-samo, Hargeysa


2. Xamda Cabdirisaaq Xuseen 545 Smart, Togdheer


3. C/fataax Axmed Cali 542 Smart, Togdheer


4. Muuse Axmed Caynaanshe Odowa 541 Arabsiyo, Hargeysa


5. Xuseen C/llaahi Cali Faarax 540 Sh. M. Warsame, Hargeysa


6. Maxamed C/raxmaan Aadan Max’ed 538 Al-irashaad, Hargeysa


7. Nuuradiin Xasan Maxamed Warsame 537 Sh. Cali Cismaan, Hargeysa


8. Barkhad Maxamed Ismaaciil Cabdi 536 New Gabiley, Hargeysa


9. Maxamed Cismaan Muxumed Nuur 534 Maxamed Mooge, Hargeysa


10. Iid Xasan Cabdi Faarax 534 Guryo-samo, Hargeysa.


10 arday ee ugu sarreeyey dugsiga SOS


Wiilasha:


1. A/rahman Shire Mohamed Samire 982 SOS


2. A/rahman Mohamed Abdillahi Urade 971 SOS


3. Abdillahi Ismail Hussien Abdillahi 939 SOS


4. Farah Elmi Farah Bullale 933 SOS


5. A/salaan Sulub Ahmed Abdi 922 SOS


6. Saleiban Abdi Muse Khaire 915 SOS


7. A/khadir Abdillahi Aidid Hassan 912 SOS


8. Mohamed Jama Anod Gullied 911 SOS


9. Mukhtar Suleiban Tarabi Hassan 910 SOS


10. Abdillahi Abdi Mohamed Farah 892 SOS


Gabdhaha:


1. Nasra Hassan Ibrahim Egal 845 SOS


2. Isra Ismail Ibrahim Warsame 778 SOS


3. Hamda Ismail Ali Mohamed 772 SOS


4. Samira Ibrahim Muse Mire 736 SOS


5. Kaltun Muse Mohamed Hassan 699 SOS.


Shaxda tirada ardayda najaxday iyo kuwa ku guuldarraystay imtixaankii shahaadiga ah:









Source:Jamhuuriya Online