MAGACAABISTII XUBNAHA XISBIGA WADANI WADANKA
HOLLAND OO LA DOORTAY



 


Waxaa maalintii Sabtida aheyd lagu doortay Magaalada UTRECHT ee Wadanka Holland xu bnaha rasmiga ah ee matalaya xisbiga Wadani , waxaa loo codeeyey dhamaan xubnaha oo ay taageerayaasha xisbiga codka siinayeen tartamayaasha u tartamayey.
Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xubno ka socday xisbiga Wadani ee wadamad Yurub
Sidoo kale waxaa halkaa lagu soo bandhigey bandhig faneed aad u qiima badnaa oo lagu guubaabinayey taageerayaasha xisbiga iyo muwaadiniinta reer Somaliland.

Xubnihii loo doortay oo kala ahaa

1- Drs- Sucaad Mohamed - Gudoomiye
2- Mohamed Ciise - Gudoomiye ku xigeen
3- Aare cabdi - Xoghaye
4- Suldaan Mohamed- Afhayeen
5- Amal abdisalaan - Xoghayaha Maaliyada
6- Caasha Abdi Dheere- Gudoomiyaha Garabka Haweenka
7- Mohamed Aw Muhumad – Garabka Dhallinyarada

Waxaa sidoo kale la isla qaatey qodoban

In la laga diiwaan galiyo xisbiga wadanka Holland xaruunta KvK

In lafuro Accountka xisbiga wadani ee wadanka Holland

In la diiwaan galiyo dhammaan taageerayaasha xisbiga

In la bilaabo tabarucaadka xisbiga ee xaga dhaqaalaha

In laqabto shir ama is arag labadii bilood mar


Fadlan wixii talo iyo tusale ah noogu soo hagaajiya E-mailka

wadaniholland@hotmail.com


wabillaahi towfiiq

xisbiga wadani Holland