Magacaabistaydii Iyo Maagistaydii: Laba Isku Lamaanaaa Qormadii: 12-aad. Qalinkii Muj. Boobe Yuusuf Ducaale

 

 


Qormadii: 12aad

Jaalliyadda reer Somaliland ee Juba ku nooli waxay ii sheegeen in ay diyaar u yihiin xataa in ay wax ka bixiyaan oo qaadhaamaan kharashka ku baxaya xafiiska wakiilka Somaliland ee halkaa loo soo diro. Mushkiladda ugu weyn ee haysatay waxay ahayd arrinta la xidhiid ha baasaaboorrada oo haddii loo gurman waayo ay magan uga noqon doonaan Safaarad da Soomaaliya ee Juba.


Juba, waxa la ii sheegay in calanka Jamhuuriyadda Somaliland weli ka taagan yahay isaga oo ku dhex jira calammada adduunka. Waxa intaa la iigu daray in calankii hore googo’ay oo ay mid cusub ku beddeleen. Waxay jaaliyadda Somaliland ee Juba ku nooli aad uga xu meyd in aanay xukuumadda Somaliland xusuusan kana soo qay-gelin xuskii sannad-guura dii labaad ee looga dabbaal-degay Koonfurta Soodaan. Baasaboorka Somaliland Juba mar ti kuma aha cidina wax ku weydiin meyso ee shaabbadda markaaba waa laguugu dhufana yaa. Mujaahidiinta marka aad sheekada isla heshaanna, xaalkuba waa dhag oo is-af-gara sho la yaab leh ayaa dhacaysa.

Dadku aad ayay u jeclaysteen wefdigii Somaliland ee ka qayb-galay dabbaal-degyadii ma alinta xornimada ee Koonfurta Soodaan. Sidaas oo ay tahay haddana jaaliyadda Somalila nd booqashadaasi xusuuso kale oo aan weli xiskooda ka tirmin ayay kaga tagtay oo ay t ahay in duruus laga barto. Si habaqle ah oo aan habaysnayn oo aanay tirada iyo ujeedda da wefdiguba caddayn ayaa lagu tegay. Markaasaa meel la kala seexdo la waayay. Immika oo ay sannad jirtay oo aanu dabbaal-deg jirin ayaan Juba laga helayn meel la see xdo. Waa habaqlihii London lagu tegay habaqlihiisii. Biil-maalmeed iyo gacan-maris aabbih ii goblamay ayaan dadkii looga taag-helayn, madaxdiina aanay ka joojinayn. Inta aynu d an gaar ahaaneed daba soconno, haddii aynu danta guud ka shaqayn lahayn maxaa ina ga xumaan lahaa!


Markaa wefdi baa baxaya la maqlo ayaa Madaxaweynaha saf loo gelayaa oo mid waliba sheeganayaa sababo gaar ahaaneed oo ay tahay in wefdiga loogu daro. Cid dantii guud masilaysa oo wax kala hortaa ma jirto. In qofka maya lagu yidhaahdaa waa wax aad iyo aad ugu adag madaxda Qarankeenna. Sidaas ayay dantii guud ku luntay. Xataa mararka qaarkood dad aan dhoofin ayaa kharashka qaata oo aan cidina ka soo celin marka la oga ado in aanay meelna tegayn. Maxaad se kaga daali mararka qaarkood iyaga oo la og yah ay in aanay dhoofaynba ayaa laga yaabaa in la siiyo e’. Wakiilkii Somaliland ee Juba fadhii san lahaa muddo ayuu magacaaban yahay inta badanna waxaad arkaysaa isaga oo meel ahaa meeraysanaya oo aanay cidina waxba u diranayn. Haddana sida la sheegayo ictira afkii waa la inoogu maqan yahay, ictiraaf Jabhadda Koonfurta Soodaan xukunta ka dhow na garan maayo. Waa halkii Gaarriye e’: “Garo’ oo wax baa si ah.”

Booqashadii Koonfurta Soodaan intaa aan kaga baxno, waad u yar baahnaydeen nasash ada iyo in aad dibadahana wax ka ogaataan. Sheekadaa an soo xidho.
Teennii ku soo noqo iyo taxanaheennii.


Qaylo-dhaantu ma yara. Dhawaaqyada ugu badan ee igu soo dhacayaa waa qaar loo xid digiyay oo aan is-idhi xarafka ‘Ga’da ayaa loo irkaday. ‘E-maillada’ iyo tilifoonnada igu soo dhacayaa ee dhinaca inta taxanahan dhibsatay ka imanayaa, waxay u badan yihiin: Soo gaabi, soo gunaanad, soo gebagebee iyo waxaad haysaba mar soo wada genbi. Maanta heerka aynu marayno qofna iguma laha qoraalladan jooji, in kasta oo inta xumaha dalkan iyo dadkan jeceli joojintiisa u codeyn lahayd. Maxaa se idinka galay wax kasta oo ay la yimaaddaanba “Veto” ayaa la saarayaaye.


Anna waxaan ugu jawaabaa: “Maxaan soo genbiyaa maba aan bilaabin e’.” Inta saska iy o sakatigaba qabtaa waa inta u heellan hadimada iyo hagardaamada Qarankan aan weli la aqoonsan ee badbaadada iyo ilaalintaba u baahan. Ma waxay moodayaan in aan qalin ka u qaatay ka-sheekaynta waxyaabihihii ka dhacay Wasaaradda Warfaafinta? Sheekadu tahan ayay ka durugsan tahay. Dhaar iyo nidarba waa lagu maray. Dalka iyo dadka badbaadintoodii ayaa bilow ah. Ma aha maqaallo dhammaanaya iyo qormooyin la soo qarqoori doono. Xaalku waa geeddi-socod (process) bilaabmay oo qalin iyo qowlba ah. Haddii aan sidii Hadraawi iyo Gaarriye dabka ugu xiddigiyo, geeddi-socodkan sidan

 ayaan u sifayn lahaa:
“Murti gooli-baadhoo,
Gibil saran weeyaan,
Gudban iyo shax weeyaan,
Gunaad biiray weeyoo,
Gumuc lala dhacaayoo,
Umal gaaxday weeyaan,
Gubashiyo ladh weeyaan,
Gocashiyo dan weeyaan,
Gabay iyo xil weeyaan,
Bahal loo gabbanayoo,
Nin geddiis yaqaannaa,
U gurguuranaayoo,
Gaadaayo weeyaan,”

Hadda waxaanu xiganaynay maansadii Gol-janno ee Hadraawi. Ma gabay iyo geeraar ay aynu waayaynaa. Kuwii horaa buuxa, kuwo danbaa yaal, raadcaduna ma daallana. Abwaankii Cabdi Iidaan Faarax isagana waxa laga hayaa:


“Dorraad iyo shalay-jire,
Doorka maanta noo-jire,
Dib-u-jire hadhow-jire,
Ninba weel u daray baa,
Deyn loogu leeyahay,
Diiwaanka Qarankiyo,
Taariikhdu dug ma leh,”

Waxaan soo noqday 26/8/2012ka ka dib markii aan hawlo caafimaad u soo joogay Add is-Ababa muddo oo geeridii Meles Zenawina nagu soo gaadhay. War iguma seegganayn Wasaaradda oo e-maillada iyo tilifoonaduba waa ay taxnaayeen, si fiicanna waa ay u xidhiidhsanaayeen.


Intii aan Addis-Ababa joogay ayaan ku war helay in Idaacad siddeedaad oo la jitaabiyay oo FM ah la dhex dhigay Radio Hargeysa. Idaacadaha rasmiga ah ee Wasaaradda u diiw aan-gashan ee sida rasmiga ah u dhex yaallaa waa: FM BBC, FM VOA, saddex FM oo dawla ddu leedahay, laba hirarka gaaban ah (Short Wave) oo 100 kw iyo 25 kw kala ah oo ay iyagana dawladdu leedahay. Maalintii aan xilka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelin ta tirsanayay, waxa xarunta diyaar ku ahayd in la rakibo Idaacad ay leedahay Star FM. Maa daama aanan haynin wax xeer ah oo fasaxaya Idaacado dalka laga furo oo weliba radio Hargeysa lagu dhex rakibo, waxaan ka talo-geliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo aanu go’aaminnay in aan la rakibin. Sidii ayaan idaacaddii Star FM kaga saa rnay Radio Hargeysa. Araajida lagu dalbanayo Idaacado cusub oo ay dadku furtaanna waa ilaa dhowr iyo toban codsi. Markaa anigu Wasiir ahaan ma aan oggolaan karayn in ay Idaacad kale timaaddo meesha. Xeerkii Idaacadahaa iyo furashadooda lagu maamulay ay wuxu hor yaallaa Golaha Wakiillada.

26/8/2012ka: Madaarka Berbera ayaan ka soo degay galabnimadii aniga oo ka imid Juba, xarunta Koonfurta Soodaan iyo Addis-Ababa oo aan caafimaad u soo maray.
(La soco…………………………………………)