|
Magacaabistaydii Iyo Maagistaydii Laba Isku Lamaanaa ! Qormadii:
24-aad Qalinkii Muj: Boobe Yuusuf Ducaale.
Guuleed Hotel hortiisaa waqti ku beegnaa 1.20 PM ayaa warqaddii
xil-ka-qaadista la iigu dhiibay
Qormadii: 24aad
Cod-bixintii ayaa loo qaaday Guddidii Fulinta, waaxaanay ku
dhammaatay:
Oggol: 34 cod,
Diiddan: 1 cod,
Aammus: 0
Isugeyn codadka kal-fadhigu marka ka Guddoomiyaha Kal-fadhiga lagu
daro waa 36 cod. Dad baa u macnaystay in aanu Golaha Dhexe waxba
ahayn oo Guddidii Fulinta ee ay shalay diideen maanta yeeleen oo
Guddoomiyuhu libaax yahay oo uu wax alle yaale wixii uu doono ee uu
ku adkaysto marsan karo. Qiimaynta iyo go’aanka kama-danbaysta ah se
dadkaa leh.
Halkan waxa ka bilaabantay dhacdo la magac-baxday “Dhagax-tuurkii
yaraa”, hadda kii weynaa wuu danbeeyaa. Ninka doonaya in uu fahmo
qaybsanaanta riiq-dheeraatay ee SNM halka ay ka timid halkan ayuu ka
bilaabayaa. Dhacdadaasi ilaa maantadaa aynu joogno xanafteedii iyo
xadaafiirteedii way ku leedahay dadkii ururka ka tirsanaa.
Intaasi markii ay dhacday ayaa la bilaabay doorashadii Guddida
Joogtada ee Golaha Dhexe. Markiiba waxa la isiku raacay in ay
Guddida Joogtadu ka koobnaato 15 xubnood, ka dibna waxa la saaray
Guddi soo xusha xubnaha loo soo sharraxayo Guddida Joogtada.
Guddidaa xulku waxay soo saartay 14 xubnood, waayo xubinta 15aad
waxa noqonayay Xoghayaha Golaha Dhexe oo isla markaana ahaa
Xoghayaha Guddida Joogtada ah. Guddidii waxay soo xushay:
1. Cabdi Yuusf Ducaale – Xoghayaha Golaha Dhexe iyo Guddida Joogtada,
2. Jaamac saalax Axmed,
3. Cumar Maxamed warsame (Xiinwaal),
4. Carab Nuur Xandulle,
5. Ismaaciil Xaaji Cabdi,
6. Maxamed Cumar Duqow,
7. Axmed Xasan Aadan (Weyso-cadde),
8. Axmed jaamac Seed (Jibiiqe),
9. Muuse Giirre,
10. Cabdi Xasan Liibaan (Nah-nahle),
11. Cismaan Aadan Dool (Quulle),
12. Yaasiin Axmed Xaaji Nuur,
13. Cabdi Cali Mahdi,
14. Yuusuf Sheekh Ibraahin (Quraab),
15. Xasan Guure Jaamac,
Kal-fadhigu wuxu isku raacay in ay Guddida Joogtadu intaa noqoto.
Waxa hadhay Guddoomiyihii Guddida. Codku wuxu u dhacay:
Oggol: 32 cod,
Diiddan: 0,
Aammus: 1 cod,
Guddoomiye Siilaanyo markii Guddidii Fulinta loo ansixiyay
hadalladii uu madasha ka jeediyay waxa ka mid ahaa weedhan hoos ku
qoran:
“…Waana malaynayaa in cidi diidmo ka qabi karto, laakiin waxaan
codsanayaa in aanay inagu reebin uur-xumo.”
Intaa ka dib Guddoomiyihii Guddida Joogtada ayaa cod loo qaaday.
Waxa sharraxnaa: Yuusuf Sheekh Ibraahin (Quraab), Cismaan Aadan Dool
(Quulle) iyo Xasan Guure Jaamac oo kala helay: 14 cod, 15 cod, 2
cod, 1 cod oo aammusay iyo mid dibadda u baxay oo maqnaa markii
codka la qaadayay. Waxa xusuus gaar ah lahayd in aanu Quulle isu
codayn galabtaas, halka uu Quraab gacanta isu taagay.
Hadraawi markii uu majarihiisii hore ku soo noqonayay ee uu inoo
marinayay maansadiisii caan-baxday ee Gol-janno, wuxu ku soo galay:
‘”Gol-jannaan ka shaxayee,
Goormaan dawaafkii,
Tegay Webi Ganaaniyo,
Gabbalaha dusheenna ah,”
Aniguna aan idiin jilciyo e’, goorma ayaan ka dhaqaaqay
taxanaheennii xidhiidhsanaa ee aan xaafadihii Diri-dhabe ee “Gende
Dibboo” iyo “Gende Qora” idiin la ambo-baxay!
Sheekadii ku soo noqo iyo qaybtii labaad ee Maagistaydii.
29/8/2012ka:
Si caadiya ayaan u toosay. Nabaddii iyo deggenaanshihii aan ku
seexday ayaan ku waa-bariistay. Culays badan oo I saarnaa ayaan
arkayay in uu iga degayo. Qalalaase aan muddo ku soo dhex noolaa
ayaan arkayay in uu iga soo dhammaanayo. Hawl qaran oo la ii igmaday
oo aan la iigu xil-qabin ayaan haynteedii iyo gudashadeedii iga soo
dhammaanaysay.
Gelinkii hore waxaan ku hawlanaa oo aan ka fekerayay sidii loo hanan
lahaa ammaanka Idaacadda cusub oo aan ka shakisanaa intii aan u
qayshan lahaa in ay ila badbaadin doonto iyo in kale. Barqadii ayaan
tegay Hudheelka Maansoor oo lagu qabanayay Shir ballaadhan oo ay
NGO-yadu qabteen. Ma aan fuulin halkan sare ee ay inta badan madaxdu
isku taxdo, bal se waxaan iska fadhiistay dadweynihii martida ahaa
maa daama aan iyaga ka tirsanaa, ka imid isla markaana ku noqonayay.
Dhowr Wasiir ayaa iga codsaday in dusha u baxo, bal se waxaan
arkayay in aanay iyagaba qadayn aniguna dhqankaa is-tusnimada iskuma
tiryo in aan leeyahay.
Cabbaar ayaa la sugayay Madaxweyne-ku-xigeenkii oo madasha furayay.
Waa dhaqan ay madaxdu iska leedahay in aanay waqtiga qiimihiisa
dhaadin. Ceebtood ma aha ee waa caadadood in ay dadka waqtiga ka
lumiyaan oo saacado badan loo dabranaado. Markii aan cabbar fadhiyay
ayaan Wasaaraddii iskaga noqday. Waqti saacaddu ku beegnayd 1dii
duhurnimo ayaan xaggii xaafadda ama guriga u ambo-baxay. Haddii aan
marayo batroollaha Total ee Maansoor u dhow waxa igu soo dhacay
tilifoon igaga yimid Madaxtooyada. Ninkii ila soo hadlayay wuxu ii
sheegay in uu warqad ii sido waxaanu I weydiiyay halka aan joogo.
Waxaan kula ballamay Huteel Guuleed hortiisa.
Huteel Guuleed hortiisa ayaa waqti ku beegnaa ilaa 1.20 gelinkii
danbe ah warqaddii xil-ka-qaadista la iigu dhiibay. War la qabaa
xiiso ma lahayn e’ ninkii siday inta aan u mahad-celiyay ayaan
hoyday.
Markii aan hoyday ayaan Madaxweynaha tilifoonkaygii ugu danbeeyay u
diray. Farriintaan maalintaa u diray maxay ahayd? Maxaa se warqadda
iigu qornaa?
Ka warrama hadii aynu intaana burrito ku quraacanno? Ilaahay ha
inagu simo. Kol haddii aan Diri-dhabe ka soo noqday oo aynu soo wada
dawaafnay diyaar ayaan u ahay in xilka la iga qaado.
(La soco…………………………………….)
|
|