Magacaabistaydii Iyo Maagistaydii: Laba Isku Lamaanaa Qormadii
32-aad. Qalinkii Muj. Boobe Yuusuf Ducaale.
Qormada: 32aad
Bal hadda aan dhanka kale ka eegno, arrinta iyo sida loo qoray
warbixinta hore oo u eg waraaqihii ay qori jireen dadkii ka hoos
adeegi jiray nidaamkii bahalka iyo kelidii-taliyahab a ahaa ee Siyaad
Barre. Bal hadda kelmadahan u fiirsada uu Hanti-dhowraha Guud
adeeg saday ee ah: “Waxa cad oo marag ma doon ah in uu lacagtani si
toos ah ugu tagri faley, isla markaana aanay jirin haba yaraatee wax
uu Qarankani ugu qabtay”. Hadda lacagta uu sheegayo ee Xasan
Maxamuud ku takri-falay qaddarkeedu wuxu dhan-yahay 927, 725,500/=.
Tolow Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ma isagaa kelidii
haystay.
Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland oo ah kan isku keen haya ee aynu
Jamhuuriyadda iyo dawladdaba ku nahay wuxu qorayaa oo uu qabaa in
Eedaysanuhu yahay denbi-laawe ilaa ay Maxkamad awood u lihi ku
caddayso. Sidaas oo kalena Xeerka uu Hanti-dhawrku u cuskaday
eedaynta Xasan Maxamuud waa Xeerka Ka-hor-tagga iyo La-dagaallanka
Mus uq-maasuqa oo ah Xeer Lr. 38/2007 Qodobkiisa 2aad iyo 5aad,
kuwaas oo iyaguna la-jaan-qaadaya Qodobka Dastuuriga ah ee odhanaya:
Qofku wuxu Denbiile noqon karaa oo keliya marka uu jiro xukun
Maxkamadeed oo “kama-danbeys ahi”. Bal haddaba waxaad is-weydiisaan
xukun Maxkamadeed goorta uu kama-danbeys yahay ama noqdaba.
Xu kun Maxkamadeed wuxu kama-danbeys noqon karaa oo keliya marka uu
oofsado dha m maan jaran-jarada looga qaato rafcaannada ee Maxkmadaha
Rafcaan iyo Maxkamad da Sare, saddexdaasina isku raacaan: “In
danbigaasi dhacay, Eedaysanuhuna yahay kan gal ay danbiga”. Mar
haddiiba ay sharcigii iyo Dastuurkiiba sidaa cad wax u qorayaan,
ma xay ka dhigan yihiin weedhahan dhagareed ee Hanti-dhowraheennii
amranaa adeegsana yo ee ah: “Waxa cad oo marag ma doon ah in uu
lacagtani si toos ah ugu tagri-faley”.
Miyaanay weedhan hoosta ka xarriiqan ee Hanti-dhawraha Guud
muujinayn in uu dusha u ritay xilkii saarnaa Xeer-ilaaliyaha Guud
iyo mas’uuliyaddii shaqo ee Garsoorku lahaa? Miyaanay erayadaasi
meel-ka-dhac ku ahayn damiirka iyo magac-samida shakhsi ahaan qofka
eedaysan? Miyaanay gef ku ahayn Dastuurka iyo mabaadiida bud-dhigga
u ah gars oorka ee loo yaqaan “presumption of innocence” ama in qofka
loo qabo Eedaysane ilaa M axkamad horteed denbi kaga caddaanayo?
Dhinac kale aan ka eegto marka uu Hanti-dhawrku qoray warbixintan
ugu horreysay 1/8/2012ka ee uu cayimay tirada guud ee lacag ahaan uu
ku eedeysan yahay Xassan Maxamuud oo dhammeyd 927,725,500/=, bal
hadda tirada hoos u eega waa mid sugan, oo aan muran geli karin,
erayada uu ku muujinayana waxay u dhigan yihiin “waxa marag ma doon
ah in uu si badheedh ah ugu tagri faley”.
Haddiiba ay sidaa uu sheegayo wax ka jiraan maxaa keenay ilaa maanta
in Xasan Maxam uud damiin ku joogo oo kolba muddo kordhin ay
codsadaan. Miyaanu saaxiibkeen Maxam uud Dheere ka dhigneyn islaantii
loogu maah-maahay “Habar dhali weyday aleelo ku waal atay”. Waxa
intaba ka daran qoraalka danbe ee uu ka daba-geeyay Maxamuud Dheere
oo uu cinwaan uga dhigay “TAAR” oo far waaweyn ku qoran, sidii wuxu
joogo xiligiyadii gumeysigii Ingiriiska ee Taarku ahaa waxa kaliya
ee war la iskugu gudbiyo, taas oo uu haddana qaddarkii lacageed ee
uu isagu ina lahaa waa marag ma doon kaga noqday ama ku buriyay, mid
cusub oo hor lehna ku abuuray. Qaddarkan danbe, sidii aan shalayba
idiin soo qoray waa lacag dhan 300,000,000 /= iyo sanaati. Bal hadda
halkaa u fiirsada!
Hanti-dhawrku wuxu eeddiisa sal uga dhigay Xeerka Ka-hor-tagga iyo
La-dagaallanka Musuq-maasuqa Xeer Lr: 38/2007 Qodobkiisa 2aad iyo
5aad. Mar haddii ay dacwadi ku socoto qofka shaqaalaha ah waxa
xaaraan ah in tallaabo anshax-marineed ay ku sameeyaan
mas’uuliyiinta ka sarreysaa ilaa iyo ay dhammaanayso dacwadda qofka
shaqaalaha loo haystaa, iyada oo la raacayo Xeerka Shaqaalaha
Dawlada Xeer Lr. 07/96 Qodobkiisa 33aad. Ujeeddadu waxay tahay in
aan qofka shaqaalaha xuquuqdiisa lagu tuman muddadaa uu ku
meel-gaadhka ku jiro ee aanay waxna ku caddaan (Denbiile) ama aan
wax lagu waayin (la sii deyn), Agaasimaha Guud ee Wasaarada
Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ayaa Xasan Maxamuud badhtamihii bishii
Ogos, 2012ka u qoray warqad uu ku amrayo in aanu xeyndaabka
Wasaaradda soo geli karin. Miyaanay ka dhignayn ceebayn sumcad-dilis
ku ah magac-samida qof shaqaale ah oo xuquuqdiisa leh oo isaga oo ku
jira xaalada ku tilmaaman Qodobka 33 ee Xeerka Shaqaalaha Dawlada
sidaa foosha xun loola dhaqmayo. Bal hadda waxaad u fiirsataan
sharciga iyo nooca shaqo ee shakhsi gaar ah sharaf-dilkiisa loo
adeegsanayo, iyo awoodda maamul ee cidi iska maroorsatay. Sharciga
miyaan loo sinnayn? Miyaan xuquuq isku mid ah muwaaddiniintu lahayn?
Bal hadda dhanka kale aan ka eegno oo aan is-weydiinno awoodda
Hanti-dhawraha Guud inta ay le’eg tahay sharci ahaan. Hanti-dhawrku
waa Hay’ad madax-banaan oo ku aasa san Xeer Lr. 05/98. Waxay
mas’uuliyaddeedu tahay in ay baadhis hufan ku sameyso kha ashka iyo
dakhliga dawladda soo gala, isla-markaana ay diiwaan-geliso dhammaan
buug aagta cashuuraha lagu qabto oo la isku yidhaa “GR” ama General
Receipt. Xagga baadhis ta haddii ay uga soo if-baxaan
fal-danbiyeedyo, waxay diyaarinayaan Gal-dacwadeed, kaas oo ay tahay
in ay u gudbiyaan Xeer-Ilaaliyaha Guud. Mas’uuliyadda Hanti-dhowrku
waa in ay laba shay caddeeyaan: Marka koowaad waa in ay sugaan in
denbi dhacay, mar ka labaadna waa in ay xaqiijiyaan in eedaysanuhu
yahay kan galay denbiga,
Hanti-dhawraha Guud wuxu leeyahay diyaarinta warka hore ee eedda in
uu bixiyo, kana caawiyo Xeer-ilaaliyaha Guud sugidda caddaymaha kala
duwan. Qaabka wada- shaqayne ed ee labadan hay’adood ee kala
madaxa-bannaan waxa qaabeeya laguna dejiyay Qodob ka 20aad iyo 21aad
ee Xeerka Hanti-dhawrka iyo 70aad iyo 71aad ee Xeerka Habka Ciqa abta
Guud.
Haddaad saddexdaa qodob isla akhrido, waxa kuu soo if-baxaysa, in
Hanti-dhawraha Gu ud ku fashilmay gudashada xilkiisa isla-markaana uu
tahli kari waayay in uu badheedhihii sii fadalka caddaa ee uu
marag-ma-doonta ugu hal-qabsaday uu irbad caaradeed u soo gudbiyo
hay’adaha Garsoorka iyo Xeer-ilaalinta. Haddiiba wuxu sidan yahay
miyaanay ha bboonayn in isaga lagu soo oogo dacwad ka dhan ah oo
daarran “Dayacaad Mas’uuliyad Qaran” ama “Magac-dil”. Miyaanu
qabaneyn Xeer Lr. 38/2007 ee uu isagu cuskanayay Qodobkiisa 8aad ee
“Dayacaad Mas’uuliyad Qaran”, mise sharcigaba wuxu u yaqaannaa meel
waxaad doontana aad ka qaadanayso, waxaad doontana ka tegayso, hadba
sida isaga u dan ah.
Dhacdooyinka iigu xanuunka iyo soo-jeedkaba badnaa intii aan noolaa
waxa ka mid ahaa dilkii bahalnimada ahaa ee Jibriil Aammin iyo
wiilkii dhallinyarada ahaa ee Cali- Mazda. Odeyga Jibriil Aammin
waxa laga xidhay Wasaaradda Caafimaadka ee Muqdisho oo uu Ag aasime
Guud ka ahaa. Wiilkaa yaraa ee Cali-Mazda wuxu Maxamuud Dheere ka
xidhay W akaaladdii Dayactirka Gaadiidka ee ‘WAGAD’ ee magaalada
Berbera. Wuxu ku eedeeyay boqol kun oo shilin sida aan maqlay. Hadda
hantida gobolkan Woqooyi-galbeed ee uu ma s’uulka ka ahaa lagu
boobayay malaayiin dollar waa ay gaadhaysay. Qolyaha reer
koonf ureedku gobolladii Woqooyi aad ayay u jeclaayeen oo waa ay ku
hodmi jireen, waxaanay u yaqaanneen ‘Abu-dabi’.
Labadaa marxuum badbaadintooda muddo ayaanu ku jirnay oo xataa
habeenkii ugu danb eeyay Mudane Xasan Guuleed Abtidoon, Madaxweynihii
Jabuuti oo la ii sheegay in ay Jib riil Aammin ilmo-abti ahaayeen
ayaa Maxamed Siyaad Barre tilifoon kula soo hadlay. Sida as ayaanu u
ulanayay in labadoodaba xabsi-daa’in laga dhigi doono. Nasiib-darro
subaxn imadii danbe ayaa labadiiba la toogtay. Gurigii Jaamac
Rabbiile Good, Ilaahay ha u naxarii sto e’, ayaanu habeenkii oo dhan
ku soo jeednay.
Anigu maanta xil Wasiirnimo oo la yidhaahdo Xasan Maxamuud ayuu ku
ilaalinayaa ma lihi ee bal inta Maxkamad la geeyo ha lagu soo oogo
waxa lagu haysto. Wasaaradda 375 qof ayaa ka shaqeeya, Xasan Maxmuud
keliya ayaa eedaysane ahna wax la qaadan karo, ma aha e’, bal dee
Maxkamadda ha la saaro
Waa I noo bilowgii gebegebeda Qormooyinkan koobnaa ee taxanaha ahaa
iyo berrito had dii Eebbe inagu simo.
(La soco…………………………………………………)
|