Magacaabistaydii & Maagistaydii: Laba Isku Lammaanaa. Qormadii:
30aad & Qalinkii Boobe Yuusuf
Hanti-dhowraha Guud wax ogeysiin ah ima siin intii aanu Wasaaraddii
aan mas’uulka ka ahaa shanta la soo gelin
Qormadii: 30aad
Qormooyinkaygan taxanaha ahaa ee kooban waxaan ku qaadaa-dhigayay oo
ummaddan tabaalaysan ku hoga-tusaaleynayay:
Ku-takri-falka awoodaha kala duwan ee Dastuurka iyo xeerarkuba
siinayaan Madaxda kala sarreysa ee Qaranka,
Adeegsiga ay dadka ama Madaxda qaarkeed adeegsanayaan awoodo aanay
xeer iyo xaa gaan midnaba u lahayn,Hab-sami-u-socodka maamulka hay’adaha Qaranka gaar ahaan Wasaaradda
Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta iyo qalin-daaridda joogtaysan ee ku
socota,
Sida aan habboonayn maamulkana hagardaamada ku ah ee loo magaacabo
madaxda xilalka kala duwan loo igmanayo, iyada oo inta badan loo
cuskado abaal-marin loo siinayo adeegyo qarsoon oo ay madaxda
igmanaysa u fuliyeen amaba u fulin doonaan. Abaal loo hayo waxa
kaliya ee u soo raaca ee lagu cugtaa waa qolannimo madhan oo aan
macno sidaa u sii ridanba lahayn.
Musuq-maasuga iyo qaab-darrida loo maamulo ama loogu danaysto
hantida qaranka,
Qaabka tebinta warbixinaha oo aan Madaxweynaha/Madaxtooyada ku
gaadhin oo keliya ama u marin tubaha rasmiga ah, bal se mararka
qaarkood qaab war-sheeko ah looga qaato dad baydhsan oo Wasaaradda
ka hawl-gala.
War-is-gaadhsiinta iyo war-isu-tebinta Xubnaha Golaha Wasiirrada oo
aan isu gudbin tilifoonnadana la iska qaadin, arrintaas oo
go’aan-qaadashada iyo fulinta hawlaha Qarankaba dhantaalaysa oo
ragaadinaysa.
Isku-xidh-la’aanta iyo kala go’doonsanaanta dadka xukuumadda ku wada
jira ee ku qaybsan danaha gaar ahaaneed iyo kooxaysiga sadheeyay
maamulka jira,
Wadaag la’aanta xukuumadda ee dhacdooyinka dhacaya iyo wararka ay
tahay in la isu gudbiyo si ay cid waliba xogogaal u noqoto,
go’aammana uga qaadato,
Illowsanaanta madaxda qaarkeed ay illowsan tahay in ay xukuumadda ka
tirsan yihiin oo aanay ahayn in ay isla xukuumaddii ay ka
tirsanaayeen dacaayadeeyaan ama ay jabkeeda ku diirsadaan haddii
aanay ku wiirsanba.
Idaacadda Siddeedaad iyo saamaynta taban ee ay ku yeelan karto
habsami-u-socodka hawlaha radio Hargeysa iyo amniga Qarankaba kol
haddii aanay sifo sharci ah ku soo gelin kuna dhex oollin xarunta
Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta,
Aamminasanaan-la’aanta madaxda Qaranka qaarkeed oo aan adeegsan war-baahinta
qaranka bal se u iisha inta badan war-baahinta gaarka.
Hanti-dhowrka iyo Hanti-dhowraha Guud:
Waa mowduuc kale oo aad iyo aad xiiso u lahaa oo aan ku soo qaatay
Qormooyinkaygan koobnaa ee taxanaha ahaa waxaana ka mid ah: Faro-gelintii
Hanti-dhowrka iyo hawl-galka Hanti-dhowrka laftiisa. Waxa lama-huraan
ah in aynu mowduucan iyo ‘Hanti-dhowraha Gu udba’ ku yar hakanno oo
cabbaar ku raasukhno. Faham kala duwan ayuu dadku ka hayst aa
Hanti-dhowrka iyo Hanti-howraha Guudba. Waxa kale oo iyaduna meesha
ku jirta oo aan ka madhnayn sababihii loo abuuray hay’addan Qaran
iyo qaababka aan la jeclaysan ee ay u hawl-gasho.
Subaxnimadii hore ee 30/7/2012ka oo maalin Isniin ah ahayd, ayaa
waqti ay saacaddu ku beegnayd ilaa 7.10 ee aroortii hore, ayaa la ii
soo sheegay in Hanti-dhowrihii Guud xidhay oo baadhayo xafiiskii
Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee TV-ga Qaranka. Marka uu
tilifoonkaasi igu soo dhacayay waan quraacanayay. Markiiba dhankii
xafiiska ayaan u boqo olay. Waan iska garanayay in aanay ahayn
baadhis caadiya ama aanu Hanti-dhowraha Gu ud iskii u iman bal se uu
ku jihaysnaa Xasan Maxamuud oo ay hadal-hayntiisu aad u badna yd in
badanna la igala hadlay. Waa tii aan hore idiin ku sheegay in
maalintii warqadda Mag acaabista la ii dhiibay la igala dardaarmay
sidii aan ninkaa u kharaajin lahaa. In badan oo danbena hadalkiisa
iyo sida aan meesha looga rabinba waan maqlayay.
Waxaan soo xusuustay maansadii ugu horreysay ee Timacadde tiriyay
1969kii markii ay ciidammadii millaterigu taladii dalka Soomaaliya
af-genbiga ku qabsadeen. Tixdaas oo aan ‘Rabaab’ (Violin ama
dhex-yar) u bixiyay, tuduc ku jiray ayaa ahaa:
“Riig looxaan ah nin qaatay,
Oo Raadyowgan ceelal ka baadhay,
Kola rays kama gaadho e’,
Rash uun buu yidhaaye,”
Si kale kuma garataan e’, Maxamuud Dheere waxaan u haystay in uu
subaaxdaa Riiggaa Looxaanta ah noola yimid. Wixii ka gaadhayna waaba
loo wada joogi.
Uma aan qaadin baadhis caadiya. Xafiiskaygii ayaan gal is-idhi. Mise
waa mid bilays ah oo indho iyo dhegoba xidhan oo sidii noobiyadda ku
hor qallalay oo qori la hor taagan. Yaab ayaan labada gacmood
dhabanka saaray. Dhowr iyo labaatan askari oo bilays ah oo
wasaaradda ilaaliyaa, qoryo lama soo galaan Xafiisyada, lamana hor
fadhiistaan oo waa ka mamnuuc. Waxay qoryaha la hor-joogsadaan
labada albaab ee waaweyn ee laga soo galo Wasaaradda: baabuur iyo
dadba.
Anigu weligay bilays iyo ciidan I ilaaliya ma kaxaysan mana yeelan.
Xataa intii yareyd ee aan Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta
ahaa, ma aan yeelan ciidan I ilaaliya. Gurigayga ma ay joogin.
Xaafiiskayga ma ay joogin. Baabuurkaygana weligood iyo waqood ma ay
raacin. Xataa mararka aan gobollada u baxayo aniga iyo dirawalka oo
keliya ayaa bixi jirnay. Ilaahay baa wax ilaaliya, anna dhagar cid I
disha la iga ilaaliyo iskuma aan oge yn oo saskaa iyo cabsidaa ma aan
qabin.
Askarigii Maxamuud Dheere (Hanti-dhowraha Guud) watay ee xafiiskayga
hor taagnaa ay aan ku idhi: “Bal xafiiska iiga hor dhaqaaq, oo halkan
qori lalama soo galo e’, dibadda ula b ax. Haddii kale ciidankaa
ammaanka ayaan kuugu yeedhayaa.” Sidii ayuu ku baxay aniguna aan ku
fadhiistay xafiiskaygii oo la haysto, oo uu weliba mas’uul aanu
dawladda iyo xukuu maddaba ka wada tirsan nahay oo aan I soo
war-gelin in uu xafiiskayga baadhayo, ama Wasaaradda aan mas’uulka
ka ahay kormeer ku samaynayo.
Saaxiibkeen Maxamuud Dheere igama foga oo waan arkaa isaga oo sii
jeedaa oo Xasan Maxamuud wax weydiinaya. Albaabkayga iyo ka Xasan
Maxamuud waa ay iska soo hor jeedaan, waxaana noo dhexaysa oo keliya
Fadxiya oo ah Xoghaynta Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta.
Waan garan karaa in aanu Madaxweyne Siilaanyo soo dirin Maxamuud
Dheere oo ah Hant i-dhowraha Guud. Cid ka hooseysa ayaa soo diraysa
sida ay nala tahay, maxaa yeelay Mu dane Siilaanyo sida dadka qaarkii
maanta iyo waqti u dhow midna ma aan baran. In badan ayaan aqaannay,
dhaqammadanna qaar uu lahaa ama yeeshay ma aha e’ waa qaar ay
ca adaysteen inta ku xeersan ee nasteexa iskaga dhigaysaa.
Hanti-dhowraha Guud wax ogeysiin ah ima siin intii aanu Wasaaraddii
aan mas’uulka ka ah aa shanta la soo gelin. Haddii laga tegi waayo,
markii uu malahayga todoobaad joogay ayu u maalin ii soo galay oo igu
yidhi wax u ekaa waa baadhis caadiya oo sannadle ah. Kulankayaguna
intaas ayuu ahaa, run ahaantiina dhaqanka caynkaas ah ma aan
jeclaysa n. Waan ogaa, mararka qaarkoodna goob-joog ayaan u ahaa in
uu si joogto ah warbixinta ugu geyn jiray Madaxtooyada, gaar ahaan
Wasiirka Madaxtooyada, bal se aniga wax lur ah iguma hayn. Meeshaba
saddex bilood ma aan joogin. Waxaan u malaynayay in qorshe soo socda
shaxdiisa la sii dhigayay.
(La soco………………………….)
|