Magaca Jaamacada Gobolka Gabiley

 


 

Ma waxa uu ahaa Maxamuud Axmed Cali-gii deegaankan, waxbarashada deegaankan doorkii uu ka qaatay intuu leekaa.

Waxaan munaasabadii qaadhaan ururinta ee lagu qabtay magaalooyinka arabsiyo iyo wajaale 27/06/2009.laga dhawaajiyey in magaca loo bixiyey jaamacada gobolka Gabiley uu yahay TIMA-CADE.

Hadabawaxay dad badan oo reer gabiley ahi iswaydiinayaan maxay tahay sababta Tima-cade loogu bixiyey ?

Ma waxa uu ahaa maxamuud axmed cali-gii deegaankan,waxbarashada deegaankan doorkii uu ka qaatay intuu leekaa.

Magaca loo bixinayo jaamacad waxa lagu xulaa arimo ay ka mid yihiin

1- inay tahay mid waxa lagu dhiganayo laga dha-dhansado oo u badan jaamacadaha diiniga ah

2-in lagu saleeyo magaalada ayku taalo sida ugu badan caalamka oo dhan tusaale
jaamacatul Qaahira,Khurduum,Umu durmaan,Niil,Calafornia,Madiinatul-Munawara,Adis-ababa,Nasiret,Malbourne oo Australia ah,Sydgne australia i.w.m

3-in loogu magac daro wadanka magaciisa,ama magac taaloqaran

4- in qof aad iyo aad qiimo weyn ugu leh majaalka waxbarashada oo dedaalka uu ka soo galay tacliintu uu yahay mid lama ilaawaan ah.

Hadaba waxaa aan la yaab leh in la la garab maro aasaasiyaadka loomaro habka magac jaamacadeed loo bixiyo oo qof qiimo lahaa iyo bulshadii uu qiimaha ku lahaa la iska horkeeno.

Waxaan ku talin lahaa in magaca jaamacada laga dhigo Gabiley Universaty ,waa sida ugu fudud ee ay ku hirgeli karto jaamacad aqooned lagag  nab ad geli karo dadkii deegaankan ka soo jeeday ee taariikhda waxbarasho ee deegaankan iska lahaa.


Magacyada maqaalkan qoray

1.Daahir C/laahi Xuseen
2.Cabdi Cali Aadan
3.Xasan Sh.c/laahi
4.Xuseen Muxumed
5.Cali Haaruun Asker
6.Xasan Sh. Muxumed Warsame