magaalo madaxda Liibiya ee Tiriboli oo ay la ware ege en mucaaradku iyo laba wiil oo Qadaafi dhalay oo gacanta lagu dhigay.

 

Hargeysa, 22 August 2011 (TNN)-Waxaa xalayto la wareegey qaybo ka mid ah magaa lo madaxda Liibiya ee Tiriboli,  mucaaradka iyo dawladaha reer galbeedka ee la dagaal amaya dawladda uu hogaamiyo Korneyl Mucaamar Al-qadaafi. Mucaadarku waxay gac anta ku dhigeen badhtamaha Tiriboli iyo weliba laba wiil oo uu dhalay Qadaafi.


Warar kale ayaa sheegaya in Qadaafi loo soo diray laba dayuuradood oo ay leedahay South Africa kuwaasi oo laga yaabo in lagu qaado Qadaafi.si kastaba ha ahaatee dad weynaha ku dhaqan Tripoli ayaa damaashaad iskugu soo baxay iyadoo ay Mucaaradk una Farxad darteed ay Lulayaan Calamo waaweyn, kuwaasoo gaaf wareegaya wadoo yinka Caasimadda.


Mucaaradka iyo Xukuumadda ayaa maalmihii ugu danbeeyay iskaga hor yimi dagaalo qadhaadh, waxaana lagu soo waramayaa inay ku naaf-waayeen dhawr boqol oo qof halka kun qof tiro gaadhaysana ay ku dhaawacantay. Wixii warara ee dambe ee ku saabsan dalka liibiya waxaan kala socon doontaan Shabakada caalamiga ah ee Timacade News , www.TimacadeNews.com.


 

 

 


Guuleed Muxumed Ibraahim (Guuleed Yare)
Timacade News Reporter
Hargeisa/Somaliland