Magaaladda Gabilay oo la biyo beeshay Mishiinkii oo ka xumaaday iyo Xukuumadda oo Booyadihii biyaha ku qaaliyaysay Qiimihii

 


Hargeysa(TNN) Magaaladda Gabilay ayaa biyo beeshay manta kadib markii Mishiinkii biyaha ka soo tuuri  jir ay Ceelka ay magaaladdu biyaha ka hesho ay cilad dhinaca farsamada ahi ku timi.

Sidoo kale biyo la’aanta magaaladda ayaa la sheegay inay sii kordhisay Booyadihii biyaha u soo dhaamin jiray oo shaqo joojin sameeyay kadib markii Ceelashii ay biyaha ka soo dhaamin jireen lagu qaaliyeeyay qiimihii biyaha, taasoo loo aanaynayo inay maamulka gobolku sabab u yihiin, sida ay u sheegeen dadka ka ganacsadaa, iyadoo ay sheegeen in Qiimaha booyada la gaadhsiiyay $12, halkii ay ka ahay markii hore $3.

Labadan arrimood ayaa manta magaaladda gabilay ka dhigay meel si weyn loo dareemo biyo la’aanta la soo daristay, waxaanay dadku aad uga war-warsanaayeen sidii ay u heli lahaayeen biyo.

Wariyayaal booqday maanta Gabilay ayaa wax ka weydiiyay Badhasaabka sababta biyo la’aanta keentay iyo wakhtiga caqabadahaasi lagaga gudbi karo, waxaanu u sheegay inay gacanta ku hayaan cilada  Mishii nka ku timi isla markaana ay muddo kooban qaadan doonto inuu ku buuxsamo taangiga weyn ee ay  maga aladdu ka cabto, waxaanu intaa ku daray inay bar bar wadaan dhuumo kale oo dheeraad ah si ay  magaal addu u hesho biyo ku filan.

Hase yeeshee dhibaatadda ugu culusi waxay tahay side magaaladda intaa leeg ee ay ku nool yihiin  Kuma naanka qof ay ugu tiirsanaan karaan oo ay iskugu halayn karaan Hal Mishiin in ay biyahoodu ku  xidhnaa daan, iyadoo gobolka ay magaaladaasi caasimadda u tahay Dakhli badani ka soo baxo.

Si kasta ha ahaatee waxa ay dadka reer gabilay ka sugayaan masuuliyiinta Heer Degmo, Gobol iyo  Xukuu madda dhexeba in si dhakhso ay looga hawgalo sidii ay magaaladdu u heli lahayd adeeg dhinaca biyaha ah oo aan ahayn mid maalinta ay ciladi ku timaado magaaladdu aanay wadnaha farta ku qaban.

Dhinaca kalena waxa magaaladda gabilay manta shir jaraa’id ku qabtay Haween ka cabanayay  Badhasaa bka Gobolka Gabilay Rashiid xaraaro, waxaanay ku eedaynayeen inuu faragalin ku hayo Ururka Haweenka Qaranka ‘NOW’ oo ay ka tirsan yihiin, iyagoo ku hanjabay hadii ay xukuumadu wax ka qaban weydo inay b anaan bax ku muujin doonaan Codsigooda.

Source:Waaheen