Madexweyne Riyaale
Saddex Arrimood midba la gudboon
Madaxweyne Riyaale ayaa hadda
tabihii iyo xeeladihii uu isticmaalayey ay soo afjarmeen talidina ku
soo oodantay ka dib markii si weyn looga horyimid go’aamadu keligii
qaatay. Golaha Wakillada Somaliland, ayaa bi sha 11/08/09 cod-aqlabiyad
ah ku ansixiyay in Madaxweynaha iyo Kom ishanka Qaranku ay ka
noqdaan go’aankoodii ay ku laaleen diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha
Somaliland iyo erigii wakiilkii hay’adda Interpe ace ka joogay
Somaliland, hadii ay ka dhego-adaygaan go’aanka. Goluhu talaabada
sharciga kaga haboon ka qaadi doono, waxaana loo qabtay muddo
toddoba cisho ah { 7 days } inay ku fuliyaan go'aanka.
Madexweyne Riyaale maanta
saddexdan arrimood midbaa la gudboo in raaco ama wajaho.
1- Inuu ka noqdo go’aanka ay Madaxweyne Riyaale iyo Guddida
Dooras hooyinku ku laaleen natiijada diiwaangelinta iyo erigii
hayada Interp eace. Ixtiraamana nidaamka diiwan gelinta ee
natiijada Server-ka, ee ay ku heshiyeen seddexda 3da xisbi qaran iyo
komishinka, ogolaadana bedelida hogaanka komishanka. Doorashaduna
waqtigeedi dhacdo, doorasho xor ah oo xalaal ah. Fursadan haduu
doorta waata u wanaa gsan Madaxweynah naftiisa iyo
Somalilandba.
2. Inuu iska casilo xilka Madaxweynaha ee uu ummada Somaliland u
ha yo. Fursadani waa mid madaxweynaha u wanaagsan haduu qaato oo
xilka iska casilo intaan xaaludu sii xumaan, waxaana laga yaaba inay
ka badbaadiso, dambiyo lugu soo oogi lahaa oo xag dhaqaale, mid
bina'a adamnimo iyo mid siyaasadeedba leh oo uu ka galay qaranka.
Si-sharaf iyo maamus lehna ugu noolan doono wadanka gudihiisa iyo
dibediisaba kii uu doono.
3. Inuu ka dhaga-adaygu oo uu diido rabitaanka shacabka Somaliland,
Bulshada caalamka iyo go'aankii golaha wakiiladu soo saareen
11/08 /09, ka dibna uu wajaho in golaha wakiiladu ka xayuubiyaan
maamuskii iyo xilkii Madaxweyne ee ummada u hayey. Kadibna maxakamad
sharciya la saaro oo lagu qaado wixii dambiya oo uu qaranka ka galay
{ Qodobkan saddexaad waa ka ugu xun hadii uu qaato }.
Waxaan aad u dhaliilayaa habku u fikiro Madaxweyne Riyaale ama dadka
ku xeeran ee talada siinayaa, ma-siiyaan talo fiican. Tusaale ahaa:
khabiirkii ka socoday Hayada Interpeace ee ka talo bixinayey diiwaan
gelinta Server-ka wuxuu u soo bandhigay saddexdan qodob:
• In arinta diiwaangalinta iyo
server-ka la soo af-jaro lana qaato laguna hawlgalo tirada
natiijadii serverku soo saaray oo tiradeeduna tahay 1,146,832 oo ah
tirada maanta la hayo ah
• In khubaro dheeraad ah iyo software cusub la hawlgaliyo si waliba
loo sii kala shaandheeyo tiradaa kor ku xusan
• In diiwaangalintii la laalo doorashadana lagu galo bilaa
diiwaangalin
Xisbiyada mucaaradka UCID iyo Kulmiye waxay qaateen qodobka
kowa ad oo ah ka ugu wanaagsan, Xisbiga UDUB wuxuu qaatey qodobka
laba ad oo aan laftiisu sidaas u xumayn , Madaxweyne Riyaale wuxuu
doortay qodobka saddexaad ee ugu xumaa, waanu ka baydhay qodobkii u
xisbigisu UDUB doortay, haddaba waxay su'aale ka taagan tahay oo
il-gaar ah lagu eegayaa saddexda qodob midku dooran doono Madaxweyne
Riyaale ?.
Allah Mahad leh,
Kosaar Aideed Abdi
Kusimaha UCID UK
London UK
|