Madexweyne Cabudhinta iyo Cagajugleynta Saxaafadu Waa Wixii Laga Raacey Ragii Kaa Horeeyay ee Afweyne iyo Rayaale

 


Anigoo ka mid ah shaqsiyaadkii sida gaarka ah dhibtu uga soo martay magaca SIILAANYO wa khtiyo kala duwan iyo xukuumado kala gadisan ayaan xusuustay cabudhintii, xadhigii, iyo jidhdil aad u daran oon la kulmay sannadkii 1988 bishii june 16keedii oo ahaa habeenadii iigu adkaa int aan noolaa, waxan ku eedaysnaa dambiile qaran oo taageeray Siilaanyo,waxa la igu bilaabay fi g iyo garaacis dabadeedna waxan ka maqlayey Taliyaha Dhabarjabinta ee Berbera oo ku dha w aaqaya Siilaanyo u yeedha ha idinka furo xadhkehee, runtii anigu Siilaanyo aqoon umaan lahay n wakhtgaa balse waan garanaayey in uu yahay Guddoomiyaha SNM, jidh dilkii habeenkaasi la iigaystay wuxu sobobay in aan COMA galo sidii la ii garaacayey anigoo figaysan, waxaan ogaad ay muddo danbe oon jeelka berbera ku xidhnaa in magaca siilaanyo uu galaaftay ummad bada n.

Waxa taasi ii xigtay wakhtigii uu Siilaanyo ahaa Guddoomiyaha Xisbigii mucaaridka ahaa ee Kul miye wakhtigaasi oon si caadifadaysan u taageersanaa xisbiga kulmiye aniga oo ka dhiidhiyey cabudhintii iyo caga juglayntii xukuumadii wakhtigaa jirtay, taasi waxay igu dhalisay in aan cam baareeyo hab dhaqankii xukuumadii DAAHIR RAYAALE UU MADAXWEYNAH KA AHAA ,taasina waxay i dhaxalsiisay in aan siddeedii sanno ee kulmiye jirey sideed jeer Guddidii Nabad Galyada ee Gobolka Gabiley igu xukuntey min hal sano oo xadhiga iyadoo la ii cuskanayey waxaad saxaa fada ku qortay maqaal lagu taageerayey Guddoomiye Siilaanyo.

Waxa fajac igu noqday xukunkii maanta lagu riday masuuliyiintii Wargeyska HUBAAL oo markoo da horeba ahaa dhibanayaal, falkan iyo cabudhinta noocanii waxay bulshada xasuusinaysaa ha b dhaqankii SIYAAD BARRE habeena kumaan seexan SIILAANYAA sidaa u dhaqmi,waxan leey ahay tallaabadani waa farriin cad oo loola jeedo Beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeisa,w aana arrin xidhiidh la leh shirka Beeshu muddeystay ee ka dhici doona degmada AGABAR.

Waa mid loogu quus goynayo Beesha waxana taladaa iyo talaabooyinkan cabudhinta ah ka qa yb qaatey Wasiirka Maaliyada SAMAALE ,guddin yahay imaad goyseene badh kaybaa kugu jira.

Odaybaa wuxu dhalay wiil kaliya , wuxuu soo kool kooliyaba wiilkii ayaa gaadhay 25jir, odaygii ayaa wiilkii u sheegay in uu u dhisayo gabadh,balse muddo ka dib ayuu maalin maalmaha ka mi da ku soo baxay wiilkii oo dhulka faqanaya, dabadeed odaygii ayaa wiilkii su'aaley, maxaad dhul ka ka qodaysaa. Wiilkii ayaa ugu jawaabey LIKE ayaan aabo qodanayaa, odaygii oo yaaban aya a ku tiraabay, WAAR MA NINKAAN DAYRTA U DHIS LAHAA AYAA LIKAHA QODANAYA ,CAJAB. Imika ninkii Samaale ee Madaxwaynaha in uu noqdo bulshada u sheegay ayaa ku mashquulsan cabudhinta saxaafada iyo Burburka Sacad Muse.

Ninbaa laga hayey ma taan ogaa ayaan u indha beelay, waxan u soo jeedinayaa Madexwayne Siilaanyo in bulshadani wixii ay ka dagaalantay ay ahayd:

1- Cabudhinta xorriyad qawlka

2- Garsoorka dalka oo sidii la doono loogu dulmiyo xaqa muwaadinka,taasina waa tii keentay ga doodkii shacabka,jidkii oo kale ayaad maanta taagan tahee dib uga laabo oo xorriyadooda iyo xuquuqdooda hala siiyo WARGYSKA HUBAAL.

 

 

 

 

 

Mustafe Sheekh Abokor Xuseen