Warqad Furan Oo Ku socota Madexweyne Siilaanyo Bees ha Ciidagale Hadaanu Nahey Dowladu Inay Xil Wasiir Noo Magacowdo Waanu Filaynay Laakiin Inay Waxyeelo Noo Magacowdo Maanu Filayn



Anigoo ah Ismaaciil Maxamed Ciise Muuse ahna Shaeekhal Baledka Magaalada Hargeysa Kalso onina ka heysta Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir Waxaan halkan uga Gudbinayaa Madexwe ynaha Somaliland Warqad Furan oo Si toos ah ugu socota taas oo aan kaga hadlayo waayo Cak use waa aafooyinka Dawladuhu isticmaalaan ,Ciidagale ma Wuxuu noqdey Puntland Amase urur Siyaasadeed .Mudane Madexweynaha Beel ahaan Malaa uma qalano in Hurumarkeygii aanu ka shaqeyneynaa ina luugo badelo Waxyeelo Siyaasadeed oo Ka hor imaneysa Wax kastoo hurum  ar aanu gaadhney ah Sida Wadooyinka, aanu ku sameysanay iyo qof kastoo beesha ka mid ah rag iyo Dumarba Shilinkii ay dhixirka ku hayeen soo saareen.

In Xukuumadda Maanta joogtaa ay noogu abaal gudey Burburin Hurumarka Beeleed halka ay ka aheyd in ay dhiiri galiso cid kastoo Hurumar wada kuna talaabsaneysa waanu ka garowney in ay Xukuumadu dooneyso waxaanu ka shaqeynay waxaan aheyn waxa go,aan ah in xiliga dhow sida ugu dhakhsaha badan ay beeshu ka jawaabi doonto cid kasta oo ka hor timaada aanay ka habran doonin si qaawana ay uga jawaabi doonaan.

Sidaa daraadeed Madexweyne Masuuliyiinta aad Xilka noogu dhiibteyna waxey ka shaqeeyaan waxaan aheyn waxa loo igmadey iyo waxa ay faraglinta Beesha ku hayaan taasina waxey ka turjumeysaa inay ka shaqeynayaan waxey Xukuumadu dooneyso ee ah in ay kasoo horjeedo Hurumarka, Mudane Madexweyne Waxaan kuu sheegayaa in ay been kuu sheegaan Masuuliyi inta aad Xilka u dhiibtey ee Beesha Ciidagale hadii runta aanu ka hadalnona beesha Ciidagale ma aha Muxaafid ee Mucaarid aqlabiyadoodu Waxaana kuu cadeyneysa marka Wasiir Cakuse kuu keeno adeeradii,Abtiyaashii iyo Seediyaashii oo ah Xasan Guure Jaamac, Faysal Cali Waraa be, Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, Ibraahim Mahdi Buubaa iyo inta ugu badan ee Beesha Ciidagle haldoorkoodii ah oo maanta ku abtirsanaya Xaqiiqiyan Mucaaridnimo.

Waxaanan halkan ku soo gaba gabeynayaa hadalkeygan tooska ah inay na soo gaadhey Fariintii aad noogu soo Dhiibtey Wasiir Cakuse, taas oo aheyd shantii Km ee Xukuumadu ku darsaneysay Wadada Salaxley ee ay sagaalka jeer dhex dhigtey, ilamana aha oo Ciidagale ma aaminsana ninka dhisi waayey shan Km in uu dhisayo ta ka badan ee sadexda boqol iyo todoba atanka Km.

Waxa kale ee noo raaca inuu ka Shaqeynayo Cakuse kasoo horjeedka Beesha sida uu u soo xid hayo Iskuulka Gaaroodi ee kow iyo labaatanka Sano beeshu gacanta ku haysay, Kastamka ina Guuxaa ee aad balan qaadeen hase yeeshee Cakuse diiday furitaankiisa, Ambalaaskii ay Made xweynaha Weydiisteen Hablihii dhakhtarka Salaxley fargaladoodii ku dhiseen ka hor joog sade y,oo yidhi Bisha Cas ayaa nasiineysa taasina waa Qodob waxbana kama jiraan, kamana yeeli doono Wasiir Cakuse in uu Beesha kala Qeybiyo oo yidhaahdo kanaa Maxamed Daa,uud ah ah iyo kanaa Muuse Daa,uud ah kanaa Abokor Muuse ah iyo kanaa C/raxmaan Muuse ah kanaa baha Dukhsi ah kanaa baha kobarjaaya, kanaa Reer Mataan ah kana ma aha kanaa dhamal Aadam ah kana ma aha kanaa Reer Cabdi Ciise ah kana ma aha kanaa ba iido ah kana ma aha kanaa Reer Guuleed ah iyo kana ma aha, lagaana yeeli Maayo Xadhiga aad ka Shaqeyneyso ee Xasan Guure iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

 

 



Mahad Illaahaybaa leh Ismaaciil Maxamed Ciise Muuse
(Sheekhal Baledka)
farxadi@hotmail.com