TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu ta csi u dirayaa, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland
Mudane Cabdiraxmaan aw Cali Faarax iyo Ooridiisa Marwo Jamiila Cige
Axmed, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid, Marxuum Cige
Axmed Cabdi oo maanta 01/03/2015 ku geeriyooday Hargeysa lagu na aasi
doono berri 02/03/2015 Boorama.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa Qoyskii,
Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii
jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii,
Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka ba xayna Samir iyo iimaan
saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.
|