”Madaxweynuhu wuxu Gabiley u iman waayahay Hudheel uu seexdo Ayuu
Waayey Tijaartiina Lacagtii Bohol ayey ku Riteen,”Badhasaabka
Gobolka Gabiley
”Reer Gabilayoow waxyaabaha ka mid ka ah ee uu madaxweynuhu Gobolka
u iman waayey wa xaa ka mid ah Hotel la seexdo oo fiican ayuunu lahay,
taasi waxay keentey ina dib loo dhigo oo loo haga ajiyo gurigii
martida."ayuu yidhi badhasaabku.....
Gabiley (TNN):- Badhasaabka Gobolka Gabiley yuusuf braahin geedi oo
maanta khudbada ujeediyey ardeyda sanadkan ka qalinjabineysa
jaamacada Tima-ade ee gobolka gabiley, ayaa ku sababeeyey sababata
uu madaxweynuhu u imanwaaayey inay ka mid tahay ina aaney lahay
huteel uu madaxwe ynuhu seexdo, Ganacsatadii u dhalatey gobolka
gabiley ay lacagtii ku shubteen Bohol.
Isaga oo arimahaasi ka hadlaya waxaanu yidhi”Reer gabilayoow
waxyaabaha ka mid ka ah ee uu madaxweynuhu gobolka u imanwaayey
waxaa ka mid ah hotel la seexdo oo fiican ayuunu lahay, Taasi waxay
keentey ina dib loo dhigo oo loo hagaajiyo gurigii martida ee ay
dawlada hoose dhisaysay, Waxaad Tijaartiina ku Tidhaahdaan inoo
dhisa Huteelo Wanaagsan oo cuntada iyo seexdkaba leh, si qurbajooga
iyo dadweynaha gobolad kale usoo dalxiistagaan, Lacagta aad Boholaha
ku shubeen ka soo saar.”ayuu yidhi badhasaabku
Sidoo kale waxa uu badhasaabku sheegay inuu madaxweynuhu joogi doono
gabiley mudo laba cisho ah, kormeerana uu ku sameyndoono degmooyinka
gobolka gabiley, xadhigana ka jari doono maashaariic dawlada hoose
ka hirgalisay gudaha magaalada gabiley.
C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland
Obsiye2007@hotmail.com
|