Madaxweynuhu Arinta TV-ga Qaranka wuu Asiibay, Aan u Hambalyeyno

 


Waxa shacbigu aad ugu wareeray labadii sano ee u dambeeyay khilaaf wajiyo badan loo dhig ay oo ka dhex qarxay masuuliyiinta wasaarada warfaafinta iyo Tv-ga qaranka, kii ugu horeey ay waxa uu galaaftay wasiirkii Boobe iyo agaasimihii xisaabaadka,waxa la moodayay in khilaa fkii damay, se waxaaba lagu sii qabtay gaas iyo kabriid hor leh markii madaxweynuhu soo saa ray digreeto uu ku madax banaaneeyey Tv-ga oo aan meelna haysan.

Waxay socotaba oo khadar oo maareeyaha tv-gu si doqoniimo ah ula dhaqmo cid kasta oo aa nu markaa isagu cdoonayn lana yimi dhaqan iyo anshax xumo baal marsan maamulka dawlad nimo waa tii belaayo subax ku beegan dabayaaqadii sanadkii 2013 ka ku kacday khilaaf hor le h tii wakhtigii boobe sahaalo ayay ahayde tani maalinba maalinta ka dambaysa way sii laba k aclaysay ceeb iyo cambaarayniba debada u soo baxe , kama dambaystii waxay taladii gacan ta u gashay Maxadwyne Siilaanyo oo laga dhursugayay talaabada uu qaado.

Hadaba waxa ay aniga iila muuqataa in madaxweynuhu halkeedii dhigay oo karaamo uu lahaa dib u soo celiyay sababtoo ah Tv-gu ma noqon karo laan ka gaara Wasaarada Warfaafinta, t eeda labaad ma lahayn xeer qeexaya inuu yahay Hay´ad madax banaan.Waan u hambalyeyn ayaa Madaxweynaha oo gartay in uu saxo nidaamka xukuumadiisa iyo balanqaadyadii uu sha cbiga kaga kasbaday codka kalsoonida ah, waxaanan leeyahay madaxweyne mar kale ha ka ilduufin hanaanka toosan ee qaranka.


Illaahaw Xaqa na waafaji



Gobaad Ahmed Hirad

Kampala,Uganda