madaxweynihii Hore Oo Rajo Ka Muujiyey In Xisbiga UDUB Uu Mar Labaad
Ku Soo Noqdo Talada Dalka
Daahir Rayaale Kaahin oo maanta ka hadlayay shirkii lagu doortay
Musharixiinta...........
Hargeysa (TNN) - Madaxwaynihii hore ee Somaliland, ahna
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridk ah ee UDUB Daahir Rayaale Kaahin ayaa
sheegay inuu mar kale rajo ka muujiyey in i Xisbiga UDUB mar labaad
ku soo noqdo talada dalka.
Daahir Rayaale Kaahin oo maanta ka hadlayay shirkii lagu doortay
Musharixiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka xisbiga UDUB,
waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan leeyahay xisbiga UDUB maanta
waxba badan ka sheegi maayo, haddii shalay doorashadii lanagaga
guulaystay maanta dadku UDUB ayay dib u raadinayaan, UDUB haddii ay
dhaawacyo soo gaadheen way ka soo kabanaysaa haddii Alle yidhaahdo”
Daahir Rayaale Kaahin waxa uu intaas ku daray “Dadwaynahana waxaan
leeyahay Ragaasi maanta la sharaxay inay la shaqeeyaan, UDUBna
waxaan u rajaynayaa inay talada dalka marka ku soo noqoto, waayo
dadka ayaa u baahan, waxaan leeyahay UDUB nin ka tagay iyo nin kale
midna waxba ka sheegi maayo, waayo xisbiyadu way iska guurguurayaan,
maanta waxa doorashada u taagan Sagaal, saddexda xisbi ayay ka
farcameen oo meel kale dadku kamay iman, UDUB-na waxaan leeyahay
jagooyinka aan la magacaabin waxaanu ku soo dhawaynaynaa oo aanu ku
marti-qaadaynaa ururada wada hadaladu noo socdaan ee ku soo biiri
doona xisbiga UDUB”
Daahir Rayaale Kaahin oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “ Waxaan
idinku kula dardaarmayaa raggina musharixiinta ahi inaad si adag ula
sii dardaarantaan gobolada cidii ka timid oo aad balan cad aad kala
qaadataan, oo aad u diyaar-garowdaan sidii aad u dhisi lahaydeen
golayaashii deegaanada sida ugu dhakhsaha badan, ILAAHAY waxaan ka
rajaynayaa inay arimaheenu guul ku dhammaadaan mar kastaba.
Somaliland-na halkii UDUB ka soo bilowday iyo halkii ay kaga tagtay
umadda ayaa o goo waxba ka sheegi maayo”
Khalid Xabsi
Timacvade News Desk
haashim555@yahoo.com
|