Madaxweyne-ku-xigeenka oo Qiray Musuqmaasuq ku Baahay Guud ahaan Dalka
 

Dalkii waxa looga wada cararay intii ka soo aflaxday Afweyne, markaa musuqmaasuqu meel walba wuu ka jiraa, kumana koobna oo keliya inta xafiisyada fadhida oo qudha ee xataa shacabka ayaa kula jira




Beddellaadda xubnaha Komishanku waxay qaadanaysaa ugu yaraan sannad kale oo dib-u-dhac ku ah doorashada

Waraysi Xiiso badan – Md. Axmed Yuusuf Yaasiin




Hargeysa (Jam)- Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa qiray in musuqmaasuq baahsan hadheeyey guud ahaan hay’adaha dakhliga dalka iyo dadweynaha reer Somaliland.


Madaxweyne-ku-xigeenka oo shalay u warramayey weriye Maxamed Cabdi Ilig oo ka tirsan telefishanka madaxbannaan ee Horn Cable TV, waxa uu sheegay in aqoonyahankii Somaliland dalka uga cararay arday ka soo aflaxday taliskii Siyaad Barre, taasina sabab u tahay musuqa ku baahay geyiga Somaliland, isagoo dhinaca kalena shacabka ku eedeeyey in iyagu horseed ka yihiin bixinta laaluushka iyo musuqmaasuqa.


Waraysigaas oo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin kaga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin muranka doorashada, khilaafka Komishanka, dhaliilaha xukuumadda, rajada uu qabo in markale dib loo soo doorto iyo qodobo kale oo aad u xiiso badan waxa uu u dhacay sidan:


Su’aal: Madaxweyne; bal marka hore faahfaahin ka bixi mowqifka xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ka taagan yihiin muranka doorashada, shuruudaha deeqbixiyeyaasha iyo khilaafka hadheeyey xubnaha Komishanka Doorashooyinka?


Jawaab: Deeqbixiyeyaashu waxay soo saareen shuruudo ay ka mid yihiin in xukuumaddu bixiso 25% dhaqaalaha ku baxaya doorashada, taasna xukuumaddu way shubtay iyo in la sameeyo guddi xeer-beegti ah oo madaxbannaan. Guddi xeer-beegti way inoo jirtay oo waa Komishanka Doorashooyinka, guddi kale oo ka sarrayn kartaana ma jirto. Waxa weeye guddi kasta oo imanaysa; ha ahaadaan guddiga anshaxa amma kan xeer-beegtida ahba waa in ay soo sameeyaan Komishanka Doorashooyinka oo iyaga hoosyimaaddaan.


Haseyeeshee, waxa soo baxday axsaabta oo yidhi kuma kalsoonin xubnaha Komishanka, kaasina waa qodob ayaan-darro ah, waxaanan odhan lahaa Komishanku dib ha ugu dhaartaan xisbiyada mucaaradka oo ha u sheegaan in ay dhexdhexaadnimo ugu shaqaynayaan axsaabta qaranka, haddii kale waqtigan xaadirka ah haddii la leeyahay ha la wada beddelo xubnaha Komishanka oo dhan oo loo arkayo in aannu annagu [xukuumadda] dan gaar ah ka wadano, waxa weeye waqtigii doorashada ee aynu qabsanay dib ayuu u dhacayaa, waayo nimanka cusub ee lagu soo beddelayana keenistoodu waqti badan bay qaadanaysaa, waxaanay u baahnaanayaan waqti ay shaqada kula qabsadaan, taasina waxay qaadanaysaa ugu yaraan sannad kale oo dib-u-dhac ku ah doorashada, waxana la odhan doonaa xukuumadda ayaa kordhisanaysa, annaguna ma wadno dib-u-dhaca oo 27ka September in doorashadu dhacdo ayaannu diyaar u nahay.


Arrinta kale ee ah xubno cusub ha lagu kordhiyo Komishanka, waxa weeye toddobadii qof baa isla qabsan la’ oo xaalku wuu sii xumaanayaa, markaa waxa weeye hawlaha doorashada inta badan waxa wadaya guddoomiyeyaasha doorashooyinka ee gobollada iyo degmooyinka dalka, balse maba ah in lagu mashquulo toddobadan xubnood oo iyagu dusha uun ka hagaya siyaasadda guud.


S: Waxa jira musuqmaasuq badan oo lagu eedeeynayo xubnaha Komishanka dhexdooda, xisbiyada mucaaradka ayaa kalsooni-darro ka muujiyey, deeqbixiyeyaashii ayaa yidhi xubno cusub ha lagu kordhiyo, markaa idinka xukuumad ahaan iyo xisbigiina UDUB miyaanay dhaliilahaasi u muuqan?


J: Horta waa kala jaad Komishanku waxba ma gudan karo iyo wax buu xaday, haddii musuqmaasuq lagu eedaynayo hantidhawr baa la gelin karaa, deeqbixiyeyaasha lacagta bixiyeyna maxay iyagu u keensan waayeen hantidhawre lacagtooda u dabagala, waxa weeye waa in hantidhawr la geliyaa Komishanka oo kii dembi xatooyo lagu helo dembigiisa lagu qaado oo daaqadda laga tuuraa, laakiin waxa weeye qaabka loo beddelayo ayaa golihii hore ee wakiilladu adkeeyeen, iyagoo u arkayey in aan xubinta Komishanka si dhib yar loo eryi Karin maadaama uu yahay dhexdhexaad u garsooraya saddex qaybood, sidaa darteedna waa in xubinta Komishanku noqotaa mid madaxbannaan oo aan cidna hoos tegin, balse hadday arrintu tahay xatooyo iyo lunsi hantiyeed deeqbixiyeyaashu ka keenaan hantidhawrahooda, annaguna waannu keenaynaa, markaa cidda dembi lagu helo dibadda ha loo tuuro. Haseyeeshee, waxaan ku baaqayaa in la xoojiyo xubnaha jira, iyaguna dhexdooda tawfiiq yeeshaan.


S: Iyadoo aan weli doorashadii la gaadhin ayaa Komishanka dhexdiisii khilaaf iyo isqab-qabsi ka taagan yahay, hadhow marka doorashada la qabto miyaanay arrintaasi saamayn ku yeelan Karin natiijada, khalkhalna gelin Karin qarannimada Somaliland?


J: Horta anigu taas ma qabo. Kun iyo boqol goobood ayaa mid kasta waxa jooga guddoomiye Komishan iyo shaqaalihiisii, goob kastana waxa ka soo fulaya tiradii ay soo gudbiyeen oo wixii gobol kastaa lahaa iyadoo xidh-xidhan bay halkan [Hargeysa] imanaysaa, waxaanan qabaa toddobada xubnood ee halkan fadhiyaa natiijada waxba kama beddeli karaan.


S: Dhawr jeer bay doorashadu dib u dhacday oo xukuumadda lagu eedeeyey, ballanqaadyo badanna waad samayseen, haddana waxba kama fulin, markaa maxaa hadda bulshadu idinku aaminaysaa in doorashadu ku qabsoomayso 27 September 2009?


J: Waxa nalagu aaminayaa; horta annaga way naga go’an tahay in doorashadu ku dhacdo waqtigeeda, diyaarna waannu u nahay.


S: Waxa jira dhaliilo badan oo sheegaya in aan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu waxba u qaban bulshadii idin soo dooratay, iyadoo dhaliilahaasi jiraan ma ku kalsoon tahay in markale kursiga ku soo noqotaan?


J: Horta waa wax Alle hayo, aniguna nin weyn baan ahay oo markii horeba umaan ololayn kursiga aan ku fadhiyo oo Ilaahay baa i keenay, waxaanan ahay nin qaddarka Alle ku socda oo haddii aan helana dalkiisa si daacad ah ugu shaqeeya, haddii aan waayana ka yimaad si fiican ula shaqayn doona, sababta oo ah waxaan garanayaa waxa meesha yaal iyo dhibka jira.


S: Xukuumaddiina hadda talada haysa kaalin intee le’eg ayuu kaga jiraa musuqmaasuqa mucaaradku idinku eedeeyaan?


J: Waxaannu samaynay xeerkii la-dagaallanka musuqmaasuqa oo ah kii abid ugu adkaa, runtiina ninka tuugga ah meel walba wuu joogaa, waxaanan xusuusnahay ninkii waddankan ninba ninkii uu ka tacliin badnaa ayaa ka dhoofay.


Markii aan tegay dalka Ingiriiska waxaan arkay dadkii aqoonyahanka ahaa oo halkaa wada jooga, dalkiina waxa looga wada cararay intii ka soo aflaxday Afweyne, markaa musuqmaasuqu meel walba wuu ka jiraa, kumana koobna oo keliya inta xafiisyada fadhida oo qudha ee xataa shacabka ayaa kula jira. Waxa weeye gacanteennu isma taagayso; ninkii shicibka ahaa ayaa isagoo gar leh maxkamadihii wax u laabaya, waxaanan qabaa haddii inta badan saxsan tahay dadka yar ee ku jira musuqmaasuqa waa la qaban karaa, laakiin kuligeen waynu ku wada jirnaa, mana aha inaad tidhaa hebel waa tuug, balse waxa lagaaga baahan yahay in aad ku soo caddayso oo la xidho, aniga ayaana taas jecel, waddankanna waxa uu u baahan yahay in dadkiisii dib loo dhiso, musuqmaasuqna wax buu baabi’iyaa oo wax buu halligaa, markaa odhan maayo musuqmaasuq ma jiro, laakiin yaan la hadlin ee qofkii wax lagu soo helo ha lagu caddeeyo.


S: Maadaama idinku taladii qaranka haysaan miyaanay masuuliyaddiina ahayn inaad dabagashaan musuqmaasuqa dalka ka jira?


J: Annagu xeerkii baannu soo saarnay, waxaanan ku baaqayaa in xeerkaas maxkamadaha la geeyo oo la dhaqan-geliyo si ciddii dembi lagu helo loogu ciqaabo.


S: Dalka waxa jira Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen, shuruucduna inta badan awoodda waxay siinayaan madaxweynaha, markaa macno ahaan adiga muxuu kuugu fadhiyaa kursiga madaxweyne-ku-xigeenku?


J: Horta anigu waxaan u aqaan ku-xigeenka halka lagu barto samirka, dastoorkuna wuxuu isiinayaa awoodaha madaxweynuhu ii igmado iyo in aan xilka ku sii simo marka uu maqan yahay iyo markuu geeriyoodo, laakiin anigu taas waan ka badsadaa oo madaxweynuhu waxa ii igmado iyo wax ka badanba waan qabtaa, maadaama dalku dib-u-dhis badan u baahan yahayna waa in la wada shaqeeyaa, waxana igu waajib ah aniga in aan dalkayga si daacada ugu shaqeeyo oo weliba xataa ka i beddela la shaqeeyo, waxaanan ku faraxsanahay inaan hadhow suuqa iska lugeeyo oo aan lay odhan waa kaa kii tuugga ahaa.


S: Madaxweyne-ku-xigeen; bal waxaad bulshada u sharraxdaa waqtigii aad siyaasadda ku soo biirtay iyo halkaad ku soo kortayba?


J: Anigu Hargeysa ayaan ku dhashay, waxaanan ahay siyaasiga keliya ee cusbitaalka Hargeysa ku dhashay, sababta oo ah aabbay baa ka shaqayn jiray intii aannu wareegin telefoonnada, waxbarashadayda oo dhanna waxaan ku dhammaystay Hargeysa, dadkuna waxay igu yidhaahdaan waa reer Saaxil, malaha haybta ayuun bay iigu malaynayaan ee waxaan ahay nin reer Hargeysa ah.


Waxa kale oo aan ahay ninka keliya ee aan weligii u soo shaqayn dawladdii Faqashta, haddii aan beenta iska dhawrana waxaan filayaa 1974kii ololihii Af-soomaaliga ayaan kaga jiray Gobolka Awdal, gaar ahaan degmada Lughaya, anigoo dawladdaas ka qaadan jiray bishii laba shillings, waxaanan qabaa in aanay taasi ceeb ahayn ee uu ahaa waxyaabaha lagu ammaani karo dawladdii Afweyne oo iyadu hirgelisay qorista luqadda Af-soomaaliga.


Markaa kadib waxaan tegay dalka Sucuudiga oo aan ka shaqeeyey shirkad Sucuudi ah, sannadkii 1997kii ayaanan soo galay Golaha Wakiillada Somaliland aniga oo aan haba yaraatee wax olole ah u soo gelin, waxaanan beddelay ninka la yidhaahdo Maxamed Muuse Cawaale oo markaa wasiir noqday, iminkana waxaan marayaa sannadkii 13aad ee aan ummadda u shaqeeyo, waxaanan rajaynayaa hadhow insha Allaahu tacaalaa anigoo Axmed ah in aan suuqa isku aragno





Jamhuuriya Online