Madaxweyne Xigeenka Somaliland oo Soo Khatimay Kormeerkiisii Goobaha Diiwaan gelinta Togdheer

 

Madax-weyne Xigeenka Somaliland ayaa maanta daboolka ka qaaday in isdiiwaan-gelinta aanay ahayn mid loo adeegsanayo doorashooyinka oo keliya ee ay ku hoos jiraan qodoba muhiima oo xidhi doono muwaadiniinta aan qaadan kaadhadhka, iyo weliba faa’iidooyin ay u keeni karaan dalka ..

Madax-weyne Xigeenka Axmed Yusuf Yaasiin wuxuu hadalkan maanta kaga dhawaaqay shir jaraa’id oo ku soo khatimay safar qaatay muddo dhawr cisho ah oo uu ku maray deegaanada diiwaan-gelinta ee Gobalka Togdheer, kaasi oo maanta ku qabtay guriga martida Burco..

Madaxw-weyne Xigeenka cadeeyey muwaadiniinta aan haysan kaadhadhka jinsiyada ay caqabad kala kulmi doono joogi taanka wadanka, gaar ahaana safarada, shaqooyinka, iyo weliba xaqiijinta aqoonsigiisaba. isla markaana ay wadanka Somaliland u furfuri karto horumarinta dhaqaalaha, amaanka iyo weliba qaybsiga khayraadka dalka..

“ Qofna yeyna u dhuuman waxa uu noqonayaa furaha mustaqbalkiisa” ayuu yidhi.<p
Madax-weyne Xigeenka waxaa kale oo shirkiisa jaraa’id kaga hadlay waxyaabihii uu ku arkay mudadii uu marayey goobaha diiwaan gelinta Gobalka, oo uu sheegay in dhibaatada ugu daran ay ahayd gabaabsiga qalabka is diiwaan gelinta, iyo isgaadhsiinta. Waxaanu ugu baaqay Komishanka Qaranka sidii loo gunaanadi lahaa hawl galkan..

“ Xooga dheeraadka ah ee Burco la geliyey waxa weeye sidii dalcada looga saari lahaa Gobolada Bari “ ayuu yidhi..
Madax-weyne Xigeenkani wuxuu kale uu sheegay in soo jeedimaha ka soo yeedhaya qaar kamida Xisbiyada Mucaaradka ee ku saabsan in hal mar laga wada qabto Gobolada Sool iyo Sanaag diiwaan gelinta aanay ahayn wax suura gala oo aanay taageeri doonin .

“ Hadalkaasi waxaa yidhi nin aan aqoon dhulka Sanaag” ayuu yidhi..

Madax- weyne xigeenka waxaa kale oo shirka jaraa’id kaga hadlay dhaqdhaqaaq uu sheegay in cadawga Somaliland ay ku talo jiraan in ay carqaladeeyaan diiwaan-gelinta, balse ay xukuumadiisu ay isha ku hayso..

Waxaa kale oo uu soo qaaday hawl galadii is qarxinta ah ee laga sameeyey caasimada Hargeysa, oo uu ku dheeraaday in dadka sameeyey ay dhaawac u geysteen nolasha bulshada Somaliland ayna baa’bi’iyeen sumcadii iyo sharaftii Islaamka..
Waxaa uu ku dhawaaqay in Xukuumada Somaliland cafis u fidin doonto inamada u dhashay wadankan ee qayb ka ah hawl galadan iyo kuwa la midka ka ah haddii ay ka tanaasulaan shir-qooladaas..

“ Haddii waalidku qaban kari waayo inamadiisa isaga laftiida ayaa la wareegaya ciqaabta ay leeyihiin “ ayuu yidhi..
Madax-weyne xigeenkani isagoo ka sii hadlaya qadiyadan waxaa uu yidhi.

“ Diinta Islaamka waxay ka dhigeen mid is qarxina, dadkii soo geli lahaa way ka joogsadeen” ..
 

 

 


SN