Madaxweyne waxaan ku idhi hadda an ku idhi Fuloow Guuli Ku dhaweyda


 


Siyaasada iyo cayaaruhu waxay wadaagan shuruucdooda lama taabtanka ah ka mid oo runtii loogu talo galay in lagu kala badbaadiyo bulshada labada dhinca ka soo jeeda ama labada dhinca kala teegeersan marka ay ciyaarto dhamaato ama siyaasada lagu kala guuleysto, waxa shuruucdaasi ka mid ah si bulshada loo tuso xaga wanaagsan in ey cayaartooyigu iswada salaaman iyo labad tababare iyagoo qosleya.

Runtiina siyaasaduna waa la mid oo marka ey dhamaato doodeedu ama ololaheedu ama guusheedu waa la iswada salaama si bulshadu u ogaato in aney wax dhib ihi jirin dadkan la tuso sawirkaasi guurux badan.

Waxadse mooda doorashooyinkii dalkeena ka dhacey iyo isbadalkii iyo doorashadii ey sedexda xisbi qaran u tartamayeen madaxd nimada qarankan ee gacan qaadka iyo farxada kusoo dhamaanteyd sida sharafta ahna xilkii loola kala wareegey dawladan cusubna loogu hambalyey, sida caadada ah wax loo sameyay xaflada maalintii xilwareejinta runtii waaney dhacday xafladii oo sacab iyo gacan qaad baa ka dhacay dadkii mabsuudbey noqdeen caalamku wuu soo dhaweyay runtii guud ahaan xaflad qurux badan bey aheyd oo caalamku inagu amaaney dhamaan.'

Waxa haddaba maanta soo if baxaysa in aney xafladaasi aheyn sidaa iyo muuqaalkaasi dadka iyo caalamka la tusey ee uu ahaa DHUXUL DANBAS HUWAN, runtii waxa markhaati ma doonto ah oo shaki badani kujira sida maalintii dhaweyd ee uu madaxweyne Rayaale uga soo guriyo noqda dalka wixii madaaar Hargeysa ka dhacay ee lagula dhaqmay madaxweynihii hore ee mudane Rayaale ayaa ka marag kaceysa in an xafladii xilwareejinta heshii lagu aheyn, waxa kaloo iyan maanta markhaati ma doonta ah in madaxweynaheeni hore ee sharafta iyo karaamada inaga mudana ee dalkan soo xukumayay mudo gaadheysa 15 sanadood maanta la yidhaahdo raaci meysid dayuuradii ay K/Suudaan u soo dirtey isaga iyo madaxweyne Siilaanayo taasin waxay ku cadeyneysa in an la heshiin maalintii xilwareejinta.'

Xatta wuxu kala bakheylay madaxweyne Siilaanayo inuu dayuuradaasi caga saaro mudane Daahir Riyaale Kaahin oo uu ka mid noqdo rakaabka ama wafdiga JSL ee u amabaxaya Ksudan taaso waliba casuumada rasmiya ka heysto maamulka dawlada cusub K sudan, waxay iyan qarankan ceeb ku ah oo ad la socotaan inuu madaxweynaheeni hore mudane Riyaale maanta transit kuyahay Dubia biritoolan Kampla salaada horan joogo Juba waa diriiq dheer oo runtii ceeb inagu ah iyadoo dayuuradii madaxweynuhu usii jeedo Juba in loo diido madaxweynihii hore ee sharafta iyo karaamada inaga mudnaa, '

Waxaa haddaba an caqliiga fayoobi qaadan karin madaxweyne Siilaanayo, Gaboose, Xirsi iyo qaarkaloo badani in ey shalayba ka dageen Juba islamarkan la dajiyay huteelkii loogu talo galay, madaxweyniheenii horena mudane Daahir Riyaalan transit dheer kolba dayuurada halabsanayo taasi waxay muujineysa sida an loogu heshiin doorashadii dhacday sanadkii hore waayo colaadan ka muuqata dawlada Siilaanayo maaha mid loo duqaadan karayo oo aynu qaran ku noqon kareyno maadaama aynu sharaftii uu mudnaa madaxweynaheeni hore awood u waayay inuu dalkiisa qumaatina uga duulo qumaatina uga soo dago, taasi waa sawir xun oo ay dawlada Siilaanayo mas'uul ka tahay mustaqbalkan yeelan doonto natiijada ka soo baxda colaadaasi iyo dhibaatadaasi lagu sameynayo madaxda qarankan ee mudan.


Siilaanayo cadaalada ma sidan buu u yaqaana

Xagee lagu arkey wafti madaxda ugu sareysa isku wada beel yihiin taasi maaha cadaalad iyo sharaf, Madaxweynihii, wasiirkii Duulista iyo Hawda, wasiirkii khaarajiga iyo wasiirkii daakhiliga intaaso abtirsimo wadaagta ma xaq bey u leeyihiin in ay iswada daba galan, may dadkii dalkan inala lahaa ee harti lahaa, Gadabuursi lahaa ee Ciise laha wasiiradoodu ma fanaajin ba mise waa qolooyinka diyuurada ku dawakha maxaa looga waayay in ay ka mid noqdan wufuuda baxaysa, sow ariinkaasi maaha mid gobonimo daro ah iyo waliba wixi aynu ka dagaalaney ee aynu qoriga u qaadaney, waxa mudan in sharafta iyo karaamada beelaha inala dagan ee dalka inala leh la dhoora si aynu qaran buuxa u noqono.

Beelahan shirayaa ee baaqyada soo saareya maxa sababey aakhristow wali ma si weydiisey, madaxweyihiin hore ee Maxamed X Ibrahim Egal illaahey naxariistii jano ha ka waraabiye wuxu ahaa nin aad iyo aad uga soo horjeeda shir beeleedyada an kusaleysneen dhaqanka oo anu runtii ogoleyn, Riyaale naftiisu aad buu uga soo horjeeday hadhaqanka shir beeleedyada, waxa haddaba nasiib daro ah sida anu madaxweyne Siilaanayo uga hadaleyn habdhaqanka cusub ee shir beeleedyada ku saleysan, runtii waxaan aaminsanahay inuu madaxweynuhu isagu shirarkan aaminsan yahay oo runtii anu wax dhib ah u heysan, waayo isaga ku yimid habkan qabaliga ah oo marna ma diidayo shirbeeleedyadan, waayo qabiilkasto shira wuxu doonayaa ama aaminsan yahay inuu qabiilkiisa ka horgeeyo oo halkaasi fooda la isku daro maadaama uu aaminsan yahay inuu kursigan saare inuu reerkiisa iyo beelo ay shuraakooben saareen.

Waxan haddaba u sheegaya madaxweynaha iyo inta sacabka u garaaceysa ee xaqdarada ugu hiilineysa in isagan mustaqbalka dhaw lagu ridi doono shir beeleedyadan socda maadaama isba dalkan ku qabsaday shir beeleedyo la wada garaneyo.

Waxan illaahey inooga baryayaa inuu guul iyo soo dhaweyn wanaagsan kala soo noqdaa madaxweyne Siilaanayo maadaama uu taladii wanaagsaneyd iyo madaxdii qiimaha laheydba diiday inuu gacanta qabsado, madaxweyne illaahey ku fududeyo mas'uuliyada kusaaran iyo axdigaad qaadey, taladan la ruugin waa lagu rafaada bey soomalidu tidhaahda, waxan leeyahay madaxweyne Siilaanyo Fuloow guuli ku dhaweyda.

Afeef ma ihi in siyaasadii Daahir Riyaale aaminsan ama taageersan xisbigiisi UDUB, ee waxa qoraalkan igu dhaliya habdhaqanka xun ee madaxweynaheeni hore ee sharafta lahaa lagula kacayo iyo dhibaatada bushada walaalaha ah la kala dhex dhigayo taasa ah ujeedadan qoraalkan usoo diray Daahirna reekeyga maaha oo reer ahaan u difaacimaayo.

Guul iyo Gobonimo ayaan u rajeynayaa JSL, illaheyna safar kheyr qaba ha uga dhigo wufuuda JSL ee ka qeybgashey dhamaantood

 

 

 

Omar Darood Hassan
Norway