Madaxweyne Wasaaradii Warfaahinta Qaranka somaliland ma waxad ka doorbidey Radyow Horyaal iyo kuwii ad ku naasnujineysay wasaarada

 



Waxan halkan maanta hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa wasiirkii hore e wasaarada warf aahinta mudane Abdiraxman Yussuf Ducaale o runtii si sharaf iyo karaamo ku dheehantahay uga tagay wasaaradi u madaxda ka aha mudadi gaabneyd e u xilka qaran u hayay.

Wuxu wasiir Boobe Y Ducaale mudada gaaban ee u xilka qaranka u hayay u muujiyay waxqa bada la taaban karo o runtii dhamaan shacabka somaliland ka markhaati fureen, wuxu si qu rux badan u dhameystirey o u gacantiisa ku furay idaacadii labaatanka sanadood runtii wax ba laga qaban kari waayay e wasiiradii hore dhamaan kuwada fashilmeen, wuxu yagleelay maamul wanaag wasaarada dhexdeeda ah, wuxu gacan bir ah ku qabtey kuwii wasaarada la gu naasnuujin jirey e an faa'iidada wasaarada u laheyn, wuxu abaabulay o u kalsooni buux da siiyay shaqaalihi waxqabadka muujiyay e shaqadooda ka so baxay.

Waxa maanta dhamaan shacabka somaliland u cadaatey in an maamulkan madaxweyne Siila anayo la shaqeyn karin siyaasi ama wasiir waxgarada ahi ama waxqabad muuqda doonaya inu dalkiisa iyo dadkiisa u qabto, runtii wuxu wasiirku xilkiisi ku waayay faragalin joogta ah oo maalin walba lagu sameynayo hawl maalmeedkiisi, wuxu talaabo ka qaadi waayay kuwo wasaarada loo keenay naasnuujin iyo basaasad, taasi waxay keentey inu madaxweyne Siil aanayo u dhaga nugaaladay kuwii wasaarada musuqmaasaqa iyo maxad cuntaan la hoos jo ogay e u wasiiir Boobo hangoolka labada afarleh isaga qabtey,

Waxaana maanta u sharaf ah Boobe Yussuf Ducaale sida quruxda badan e u ergadii guulw eydeynesa ugu gacan seydhey e uu ta sharafta leh ka raacay kuna adkeystey in anu guul wada danbe la shaqeyn kareyn kuna arki karin wasaarada u madaxda ka yahay.


Waxan kuso gabagabeynayaa qoraalkeygan gaaban madaxweyne Radyow Horyaal baad ka doorbiday wasaaradi warfaahinta e qaranka somaliland waxad cadeysatey inaad wali tahay gudoomiyihi kulmiye e anad dan iyo muraad toona ka laheyn somaliland o cagaha isku taagta talaabooyinkaasi isdabjooga ah e ad maalinwalba qaadeyso aya nooga markhaati kacaya..

Guul baan u rajeynaya dhamaan shacabka somaliland iyo nabsi bax dhakhso ah

 

 


Omar Darood Hassan

Norway