WAR-SAXAAFADEED

 


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/MG/241-2682/092014 ku magaca abay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal.

Ujeedo: Magacaabid Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal

Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga
Ku: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Beeraha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Ku: Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda
Ku: Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Mudanayaal,

Waxa jira cabashooyin iyo tabashooyin xoogan ay ii soo gudbiyeen Salaadiinta iyo Madax-dhaqmeedka Gobolka Awdal oo ay kaga cabanayaan saami qaybsiga iyo jagooyinka shaqo ee Deegaanka Awdal. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan noqotay in Guddi heer Wasiiro ah loo magacaabo hawshan si ay daraasad iyo xaqiiqo raadin uga sameeyaan arrintan.

Haddaba Mudanayaal, si xog iyo macluumaad dhab ah looga soo uruuriyo cabashadan; waxa aan mas’uuliyiinta warqadani sida tooska ah ugu socoto u magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka arrimaha laga cabanayo ee qoraalka ku xusan, waxaana Guddoomiye u noqon doona Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sidaa darteed Mudanayaal, waxa aan idinka rajaynayaa in aad hawshan xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan.

ALLAA MAHAD LEH



Axmed Saleebaan Dhuxul
Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland