WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada
Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2909/012015
ku dhaqan geliy ey Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta
AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-26/645/2014
ee
ku taariikhaysan 05/01/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Guddida
(Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.
Wuxuu Soo Saaray
Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Guddida (Komishanka)
Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Duhuxul)
Afhayeenka Madaxtooyada JSL.
|