War-saxaafadeed

 



Taariikh: 03 September 2011



Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu caawa xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0170/092011 ku magacaabay Guddida diiwaan-gelinta ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.

Madaxweynuhu :
:
Markuu Arkay: Qodobka 9aad iyo 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: Qodobka 3aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011,

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in la magacaabo Guddida Diiwangelinta Ururada Siyasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee JSL.

Wuxuu go’aansaday

In uu magacaabo Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee JSL, Guddidaas oo ka kooban 7 xubnood, oo ay kala ah:



1. Cabdalle Ibraahim Maxamed
2. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale)
3. Xasan Axmed Ducaale (Macalin): Garyaqaan
4. Cumar Xasan Jaamac
5. Maxamed Cabdi Maalik
6. Aadan Geedi Qayadi
7. Ismaaciil Cabdilaahi Cali

 



ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL