WAR
SXAAAFADEED
Taariikh:10 August, 2011
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo
Weftiga uu hoga aminaayo ayaa caawa Saqda dhexe ka duulaya Magaalada
Addis-ababa ee Dalka Ethiopia iyaga oo u sii jeeda Magaalo Madaxda
Wadanka Shiinaha.
Safiirka Wadanka Ingiriiska u fadhiya Magaalada Addis-ababa ee
Ethiopia Mr. Norman Ling, British Ambassador ayaa isaguna waxa uu ku
soo bookhday madaxweynaha iyo weftigiisa Hotel-ka uu degan yahay ee
Addis-ababa
waxaanay Safiirka iyo Madaxweynuhu kulankaa kaga wada hadleen Arrimo
Muhiim u ah xid hiidhka iyo wada shaqaynta labada wadan ee
iskaashiga dhinaca nabad-gelyada iyo dhaqa alaha.
Sidoo kale wasiirka arrimaha debada ee Somaliland mudane Maxamed
Cabdilaahi Cumar ay aa saaka gelinkii hore kulan la yeeshay wasiiru
dawlaha Arrimaha debeda ee wadanka Eth iopia kulankaas oo daba
socotay kulamadii ay wasaarada arrimaha debedu la yeelatay wef tiga
Somaliland ee kusugan Addis ababa.
kulankan waxa ay labada dhinac kaga wada hadleen meel-marinta
qodobadii ay labada dhin ac hore isugu afgarteen ee dhinacyada
nabad-gelyada, ganacsiga iyo isu socodka labada shacbi ee labada
wadan.
Weftiga madaxweynaha Somaliland mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
oo ay hore u qorshaysnayd in ay habeen hore ka duulaan Addis ababa
ayaa dib u dhac maalin ah oo ku yimid safarka madaxweynuhu uu caawa
ugu kicitimayo wadanka shiinaha waxa uu ku xidhiidhsan yahay dib u
dhicii hore ee ay sababtay diyaaradii uu madaxweynuhu ka raacay
hargeisa oo keentay in uu habeen ku dhaxo Madaxweynuhu dirir-dhaba
taas oo sababtay in ay is riixaan balamihii uu madaxweynuhu la lahaa
Masuuliyiinta iyo dawladaha uu kula kul may Addis ababa.
Iyada oo ay kulamadaasi ahaayeen
kuwo muhiimad weyn u leh danta dalka Somaliland oo aan la lumin
Karin.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|