WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto
Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2493/052014 uu xilkii
kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha isla
markaana waxa uu Madaxweynuhu wasaaraddaasi u magacaabay Agaasime
Cusub.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u
leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo,
aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;
Wuxuu go’aansaday
In Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Agaasima ha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
Xil-ka Qaadis
Ku: Dr. Maxamed Axmed Maxamuud (Cagaweyne),
Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
Og: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
Mudane,
Waxa aan kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka
Qaranka ay ey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan
karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud
ee Wasaarad da Xannaanada Xoolaha ee JSL.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso
xilka aad hay say Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, oo aan xilkaa isaga ah u
magacaabay.
Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, oo ay
warqadani oga ysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala
wareejiyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee
JSL.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|