WAR-SAXAAFADEED
 

 



"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer madaxweyne oo numberkiisu yahay No. JSL/M/XERM/249-1336/092012 ku dhaqan geliyey In laga bilaabo taariikhda maanta oo ay bishu tahay 27/09/2012 laga dhigay Hay?addaha Korontada Berbera iyo Hargeysa Wakaalado hoostaga Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta.

Madaxweynuhu:-

Markuu arkay; Qodobka 90aad fagradiisa 3aad, xarafka (kh) ee Dastuurka

Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu arkay; In baahi weyn loo qabo dardargelinta, maamulka iyo hawlaha

horumarineed ee Hay?addaha Korontoda,

Markuu tixgeliyey; Talooyinkii mas?uuliyiinta kala duwan,

Markuu Tixgeliyey; Ahmiyadda weyn ee Hay?addaha korontadu ugu fadhiyaan

dhismaha Qaranka,

Wuxuu soo saaray Xeerkan

In Hay?addaha korontada ee Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa la hoosgeeyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta; xisaabta iyo dakhliga wakaaladdahaasina ay ku dhacayaan qasnadda dawladda Dhexe, kharashkuna u soo noqdo si waafaqsan nidaamka xisaabaadka dawladda dhexe.



ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.