Madaxweyne Siilaanyo Oo Tafaasiil Ka Bixiyay Mawqifka Somaliland Ee
Shirka Brussels
“Shirka Brussels, kama duwana kuwii aanu diidnay sidaas darteed,
kama qeyb galayno”
“Waxaan ku kalsoon nahay in ay derajadu soo kordhin doonto
kala-danbaynta haybadda ciidanimo, kor-u-qaadi-doonto muuqaalka
dawladnimo”
“Waxaanan ku faraxsan nahay in la helay dad ajiiba baaqii iyo
gogoshii nabadda ee aan mudada dheer ku celcelinayay”
Hargeysa (TNN):- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaan yo) ayaa shaaca ka qaaday inaanay
Somaliland ka qeyb geli doonin shirka dhawaan lagu wado in lagu
qabto Magaaladda Brussels ee dalka Biljam, waxaanu tilmaamay inaanu
waxb a ka duwanayn shirarkii hore ee ay diideen oo uu dhaawacayo
jiritaanka qaranimadda dalka.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu soo dhaweeyay inay jiraan dad soo
ajiibay baaqii nabade ed iyo gogoshii uu u fidiyay waxgaradka
goboladda barri qaarkood.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa sheegay in
bixinta darajooyin ka ciidammadda ee loo qeybiyay ciidammadda qalabka
sida ee Somaliland ay wax weyn ka tarayaan kala dambaynta iyo
haybadda ciidammadda. Madaxweynuhu waxa uu sidaasi ku sheegay war-murtiyeed
uu caawa soo saaray oo uu munaasibadda ciidul fidriga dadweyn aha u
mariyay saxaafadda, waxaanu shacbiga JSL gudo iyo dibadba u diray
dhambaal hambalyo ah.
War murtiyeedkaas oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyadda Md.
Axmed Saleeba an Dhuxul waxa uu u qornaa isagoo dhamaystiran sidan:-
“CIID MUBAARIK, CIIDAL CAAFIYA, KULU CAAM WA ANTUM- BIKHAYR.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud
(Silaanyo) ayaa Dhammaan Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka,
Culima-awdiinka, Xisbiyada Qaranka, dhammaan Bulshada reer
Somaliland iyo Dhammaan Muslimiintu meel ay joogaanba, wuxuu u
soo-jeedinayaa hambalyada Ciid-alfidriga awgeed, waxaanu
madaxweynuhu yidhi “Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kulicaam wa antum
bikhayr. Waxaan illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda
innagu gaadh siiyo caafimaad, cibaado, bash-bash iyo barwaaqo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Hambalyada ciida dabadeed, waxaan halkan bogaadin uga soo jeedinayaa
ciidamada kala duwan ee qaranka oo aan u rajaynayo in dhammaan
derajadii iyo gunnooyinka dalacaaduhu kuwada gaadheen ciidan kasta
fadhiisinkiisa, Askari kasta waxaa saaran waajibaad, waxaana uu
qaranka ku leeyahay xuquuq, derajaduna waxay ka mid tahay xuquuqda
ciidamadu ku leeyihiin dawlada.
Waxaan ku kalsoon nahay in ay derajadu soo kordhin doonto
kala-danbaynta milgaha iyo haybadda ciidanimo, kor-u-qaadi-doonto
muuqaalka iyo karaamada dawladnimo. Munaasabada ciida darteed,
waxaan ciidamada caruurtooda iyo xaasaskooda leeyahay Hambalyo,
Hambalyo, Hambalyo.
Waxaan jecelahay in aan halkan ka cadeeyo mawqifka dawladda ee ku
aadan shirka dunidu noogu baaqday ee Brussels, maadaama ay EU-da iyo
Somalia wada marti-gelinayaan (Co-hosting), waxaanu u aragnaa mid
dhaawacaya jiritaanka iyo qaranimada Dalkan JSL, kaas oo aan waxba
kaga duwanayn shirarkii hore ee aanu diidnay, sidaa darteed kama
soo-qayb-gelayno shirkaas.
Gebegebadii, waxaan bulshada Somaliland u dardaarmayaa in ay
nabadgelyada illaaliyaan, in ay isku-duubnaadaan, in ay illaaliyaan
shuruucda dalka.
Walaalayaal, aan ka digtoonaano dhagaraha cadawga oo aan meel uga
soo wada jeedsano cid kasta oo dalkani hagardaamo u soo maleegaysa,
qofkasta oo tallo, toosin iyo taageero doonaya waxaanu jecel-nahay
in uu noo soo gudbiyo, gacmo furan ayaanu ku soo dhawaynaynaa,
laakiinse waa in aanu doc-faruurin nidaamka dawladnimo iyo shuruucda
dalka, qofkii doonaya in uu wax dhaliilo, canaanto ama siyaasad u
tartamo waxaynu u samaysanay nidaamka Xisbiyada badan, dalkuna waa
dal dimuquraadi ah, waxaynu wax ku nahay dawladnimada, qofkastana
xil baa ka saaran illaalinta qaranimada.
Anigana Madaxweyne ahaan, waxaa xil iyo waajib iga saaran-yahay
dalka iyo dadkiisa in aan ku illaaliyo xayndaabka sharci, cidna ka
yeeli-maayo inay iska gudub marto.
Waxaan ILAAHAY ugu mahad-naqayaa nabadgelyadda aynu haysano,
waxaanan ku faraxsan nahay in la helay dad ajiiba baaqii iyo
gogoshii nabada ee aan mudada dheer ku celcelinayay, oo ay
garwaaqsadeen in wada-hadalku ka wanaagsan yahay xabadda iyo
dagaalka.
Waxaan aaminsan nahay in aan xabadi xalkeenin, walaalayaal dhulku
guuri maayo, go’ina maayo, dadka geyigan ku dhaqanina waa dad
walaalo ah oo aan marnaba kala maarmayn, Dalka Somaliland waa qani
haddii laga shaqaysto, waana innagu filan-yahay, wixii laysku
maan-dhaafana wada-hadal iyo isu-tanaasul ayaa inoo dhaqan ahaa oo
aynu ku soo caano-maalnay. Walaalayaal ku soo dhawaada nidaamka
wada-hadalka iyo qalinka horumarka.
CADDAALADDA.
Walaalayaal caddaaladdu waa aasaaska iyo jiritaanka dawladnimo, waxa
ay abuurtaa kalsooni, waana astaanta maamul-wanaagga.
Walaalayaal, Dastuurku waxa uu qeexay madax-baanida Garsoorka, aniga
oo arrintaas ka shidaal qaadanaya, isla markaana fulinaya
balan-qaadkaygii xilligii doorashadda waxaan isbedel ku sameeyey
Garsoorka iyo Caddaaladda sida; Maxkamadda sare, Guddiga Caddaaladda
iyo Xeer-ilaalinta Guud, waxa aan alkumay Xafiiska Garyaqaanka Guud,
si xeerarka loogu sameeyo faafinta rasmiga ah, loona gaar-yeelo
kiisaska dawladdu darafka ka tahay ee madaniga ah.
Walaalayaal, si loo xakameeyo xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda
bini’aadamka waxaan samaynay Hay’adda Xuquuqal iinsaanka.
Walaalataal sidaas oo ay tahay xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay
ka daali mayso, kana caajiso mayso dedaalka lagu xaqiijinayo in
muwaadiniintu caddaalad dareemaan.
Waxaan dhamaan bulshada reer Somaliland ku bogaadinayaa kaalinta ay
ka qaataan nabadgelyada illaalinteeda, waxaan leeyahay is dhawrta,
is kaashada oo isku-duubnaada, qofkii xunna meel uga soo wada
jeesta.
Anigoo farxada la wadaagaya dadkayga waxaan mar labaad halkan
idiinka soo gudbinayaa Hambalyo, bogaadin iyo duco-ba,
Inta bukhta een caafimaadku u saamixin inay innala ciidaana waxa aan
alle uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, intii inaga baxdayna
Alle u naxariisto.
Ugu danabyn waxa aan leeyahay Ciid mubaarik, Ciidal-caafiya
Kuli-caam wa antum Dayibiin. Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi
Wabarakaatuhu.”
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland
|