Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsiyadeeyay qoyskii Marxuum Good Abees oo geeriyooday




Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Shacbiga reer Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida naxdinta leh ee ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum MAXAMED XUSEEN NAALEEYE (GOOD ABEES) oo maanta ku geeriyooday Shil baabuur oo ka dh acay tuulada lafa-ruug ee u dhacaysa Berbera iyo Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) wa xa uu marxuumka ku tilmaamay oday Qaran oo ka baxay bulshada Somaliland gaar ahaana go bolka togdheer oo uu ka mid ahaa tiirarka gobolka togdheer, tusaale fiicana u ahaa dhalinta iyo waxgaradka gobolka togdheer iyo guud ahaan dalka.

Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoy skii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL