TACSI MADAXWEYNE

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isago o ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo kan shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dir ayaa, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ismaaciil Cabdi raxmaan Sheekh Cumar oo ku geeriyooday 30/07/2016 Magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay Aqoonyahan ka baxay qaranka iy o Shacbiga Somaliland, door muhiimana ka qaatay marxaladihii kala duwanaa ee dal ku soo maray, isagoo in badan ka soo hawl gelay Hay’ada WFP oo uu wadamo kala ge disan uga soo shaqeeyey mudooyinkii u dambeeyeyna shaqadaasi uga fasax qaatay sidii uu shacbigiisa iyo dalkiisa uga faa’iidayn lahaa khibrada waayo aragnimo ee uu ka soo dhaxlay wadamada kala duwan ee uu ka soo shaqeeyey.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka w araabiyo aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, As xaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 

 


Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.